Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka ah oo Ka Heshiiyey Qodob Khilaaf ka dhex abuuray oo ku jira Xeerka Diiwaangelinta Madaniga ah

0
370

Hargeysa (CH)- Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Xukumadda Somaliland, ayaa heshiis ka gaadhay khilaaf dhinaca sharciyadda Diiwaangelinta Madaniga ah oo u dhexeeyey labada dhinac, ka dib markii Mucaaradku saluug ka muujiyeen qodobbo ku xusan xeerka Diiwaangelinaha, taas oo sababtay inay gebi ahaanba qaaddacaan in dalka laga hirgeliyo, arrintaas oo mugdi ku abuurtay suurta-galnimada doorashooyinka la filayo dalka inay ka qabsoomaan sannadka dambe badhtamihiisa.

WUKDiiwaangelinta Muwaadiniinta oo maamulkeeda ay gacanta ku hayso isla markaana ay bixinayso kharashka ku baxaya iyo diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo kharashaadka ku baxaya iyo geeddi-socodka hawlaheedu ka dhexeeyo Xisbiyada, Komishanka iyo Qaadhaan-bixiyeyaasha, ayaa hore loogu heshiiyey kulan beesha caalamku job-joog ka ahayd in si wada-jir ah dalka loogu qabto. Haseyeeshee Xukuumadda Somaliland, ayaa xeerka ay u samaysay diiwaangelinta ku xoojisay inaan la bixin karin kaadhka cod-bixinta ilaa laga hubinayo qofka codbixinta ka qayb-qaadanaya yahay qof laga xaqiijiyey inuu yahay muwaadin dalka u dhashay.

DSC_00092-620x330Kulamo maalmihii u dambeeyay u socday Madaxda Xukumadda oo Madaxweynuhu hogaaminayay iyo Hogaanka Saddexda Xisbi Qaran, ayaa la isku afgartay in diwaangalinta Madaniga ahi wakhtigeeda ku qabsoonto islamarkaana dadku qaato Kaadhka Aqoonsiga, balse qofka Warqadda aqoonsiga wakhtigu aanu u saamixin inuu qaato aan lagu xidhin inuu helo Kaadhka Cod-bixinta, waxaanu go’aankani suurta-gal ka dhigayaa in labada diwaangalinood isbarbar socdaan.

Kulan shalay Aqalka madax-tooyada ku dhexmarya hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadda iyo Madaxweyne Siilaanyo, ayaa heshiiskan lagu gaadhay, iyada oo maanta loo ballansanaa shaacinta qodobbada khilaafka lagu soo afjaray.

DSC_00401Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay wehelinayaan Wasiirro xukuumadda ka tirsan, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe oo xubno xisbigiisa ka tirsan wehelinayaan, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo uu weheliyo ku-xigeenkiisa Maxamed Kaahin iyo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo ay wehelinayaan saraakiil ka tirsan xisbiga Waddani oo si wada-jir ah shir-jaraa’id ugu qabtay Qasriga madaxtooyada maanta, ayaa faahfaahiyey nuxurka qodobbada lagu heshiiyey.

Ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay Md Cabdiraxmaan Saylici oo wax ka taabtay qodobbo ka mid ah heshiiska la gaadhay. “Waxaanu ku heshiinay in xeerkii diwaangalintu sidiisi u socdo wixii qodob iyo laba ee laga taabtayna madaxweynuhu ka daba-gudbiyo oo golaha wakiilada loo gudbiyo,” ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici.

Gudoomiyaha UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa yidhi, “Annagu waxaanu doonaynay  inaan qofka ka gaadhi waaya inuu qaato Kaadhka aqoonsiga aanay ka xannibin qaadashada Kaadhka Codaynta oo aan la odhan Kaadhkii Codaynta maad qaadan ee loo sameeyo hab uu ku qaadan karo kaadhka Codaynta.intaas ayaanu isku haynay intiina way noo soo dhamaatay, Xannibaadiina waa laga qaaday.”

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro, ayaa sheegay in markii la gorfeeyay murankii diwaangalinta la isla gartay in wixii isku dabraya doorashada laga saaro xeerka diwaangalinta oo madaxweynuhu Golaha wakiilada u gudbiyo qodobada wax laga beddelayo.

Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inay xisbiyada Mucaaradka ah iyo xukuumaddu ka heshiiyeen qodobka 25aad ee xeerka Diiwaangelinta oo sheegay in qofka kaadhka codbixinta Qaadanayaa uu yahay Muwaadin sita waraaqda dhalashada, balse markii dambe la go’aamiyey in goobta lagu qaadanayo kaadhka codbixinta ay ku sugnaato wasaaradda Arrimaha Gudaha oo halkaas kaadhka Muwaadinka ku siinaysa qofka aan hore u qaadan kaadhka Aqoonsiga Muwaadinnimada.

codkahargeysa.com

info@codkahargeysa.com