Weftigii ugu ballaadhnaa ee ka socda Dawladda Suudaan oo Somaliland yimi iyo ujeeddada socdaalkooda

0
393

Hargeysa (CH)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa maanta qaabilay wefti ballaadhan oo ka socda dalka Sudan oo booqasho ku yimi Somaliland.

Wefiga ka socda dalka Sudan ayaa isugu jira la-taliyaha dhinaca sharciga ee Madaxweynaha Sudan, Wasiirro hore uga tirsanaan jiray dawladda Sudan iyo Wax-garad kale, waxaana ujeeddada socdaalkoosa sharraxaad ka bixiyey wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis.

SUUDAAN“Waxaanu halkan aad iyo aad ugu soo dhaweynaynaa Wefti balaadhan oo ka socda Suudaan oo ah waddan aynu walaalo nahay oo Cilaaqaad wanaagsan inaga dhexeeyo, dadkeena intii u horaysay ee waxbaratayna tacliinta Suudaan ayay ka baratay, aniguna aan imbadan ka shaqaynayay Suudaan,” ayuu yidhi Md Biixi.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Dadka Maanta inoo yimid ayaa kala ah la taliyeyaal Ra’isal wasaare, kuwa Madaxweynaha, Culimo awdiin,Suldaano iyo dad kala gedisan oo inoogu yimid sidii ay labada dal Cilaaqaadkooda iskugu soo dhaweyn lahaayeen, aad iyo aadna waan ugu mahadnaqayaa Weftiga halkan inoogu yimid.waxaanu leenahay soo dhawaada, wadanku waa wadankiinii, waxaynu nahay laba wadan oo walaalo ah oo cilaaqaad taariikhi ah leh,” ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi Yoonis.

Ilo-wareedyo u dhuun-daloola socdaalka weftiga reer Sudan, ayaa sheegay inay u socdeen xog-ogaal u noqoshada dacwad ku jirta maxkamadda gobolka Hargeysa, taas oo ku saabsan nin reer Sudan ah oo dacwad ku saabsan lacago laga dhacay oo ay maxkamaddu ka garnaqayso.