Naironbi (CH)- Maxkamadda Denbiyada caalamiga ah ee (ICJ) ayaa lagu wadaa in ay dhagaysato dacwadaha khilaafka ah ee ka dhax-taagan dowladaha Somalia iyo Kenya ee ku aadan muranka xadaha badda ee labada dhinac ka dhex jira.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay hadal ka jeediyey Munaasibad uu ku furay Kal-fadhiga Shanaad ee Baarlamaanka, waxa uu ku sheegay in Dacwadda ay dawladdiisu u gudbisay Maxkamadda caalamiga ah ee Caddaaladda dhawaan bilaabmi doonto, lagagana Garniqi doono muranka la xidhiidha dhinaca Badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.
“Waxaad la socotaan in dhawaan ay dowladda Somalia dacwad u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda si loo xaqiijiyo in badda Soomaaliya ay ka dhowr-soonaato sheegasho iyo faragelin shisheeye.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxaanu intaas ku sii daray Madaxweynaha Soomaaliya oo arrintaa Dacwadda Badda ka sii hadlayaa, “Taas macnaheedu ma aha colaad ee waa in la xaqiijiyo jiritaanka Qarannimada dalkeenna. Waxa kale oo Dacwad ka gudbinnay Shirkado shisheeye oo si sharci-darro ah hawlo uga wada Badaha Soomaaliya. Difaaca Badda Soomaaliya wuxuu ugu horreeyaa waajibaadkii Qaran ee aan magaca Illaahay ugu dhaarannay,”ayuu yidhi.
“Dhagaysiga Dacwaddan Muranka Badda ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya waxay bilaaban doontaa toddobaadka danbe, waxaa jira Qareenno heer caalami ah oo Soomaaliya ka caawin doona arrintan.” Sidaa waxa yidhi Cabdi Xasan oo ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibedda dawladda Soomaaliya.
Waxa uu Masuulkani ku tilmaamay in dawladda Soomaaliya ay ka go’antahay sidii ay u difaacan lahayd xadka lagu muran-sanyahay ee Badda oo khilaafka ka taagani uu sii kordhayay bilihii la soo dhaafay, iyadoo dacwadda arrintan la dhigay maxkamado ICJ ku jirto.
Xeer-ilaaliyaha guud ee Kenya General Githu Muigai, ayaa sheegay in maalmo ka hor uu la shiray Guddi Khoburo ah oo Qareenno u badan, kuwaasoo Kenya u doodi doona, isla markaana difaaci ka difaaci doona dacwadda Muranka Badda ee Soomaaliya ka dhexeeya.
Arrimahan ayaa imanaya, iyadoo Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya lagu wado in dhawaan ay ku kulmaan magaalada New Yorka ee waddanka Maraykanka, waxaana Qaramada Midoobay ay qorshaynaysaa in labada Masuul ay xal Siyaasadeed kala dhex-dhigto inta ay jogaan Maraykanka.
codkahargeysa.com