Majaajilayste Barnaamij Telefishan ku aflagaadeeyey Madaxda Somaliland oo Cafis ka dalbaday Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiir Cukuse

0
394

Muqdisho (CH)- Mujaajileystaha Caanka ah ee AJAKIS oo daadihiye ka ahaa barnaamijka Faaliyaha Qaranka ee ka baxa Telefiishanka Universal oo muddadii uu joogay lagu aflagaadeeyey Madaxda Qaranka Somaliland oo uu ka mid yahay madaxweyne Siilaanyo, ayaa dalbaday in Cafis loo fidiyo ka dib markii uu ka tagay shaqadii uu ka hayey telefishankaas.

Majaajilayste Barnaamij Telefishan ku aflagaadeeyey Madaxda Somaliland oo Cafis ka dalbaday Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiir CukuseBarnaamijka FAALIYAHA QARANKA ayaa ah Madadaalo lagu soo bandhigo waraysi lala yeesho siyaasiyiinta Soomaalida oo loo ekaysiiyey Muuqaal Kartoon laga sameeyey, waxaana dhowr jeer lagu soo qaatay madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ka dib markii xukuumadda Somaliland dalkeeda ka mabnuucday inuu ka hawl-galo telefishanka Universal oo xaruntiisu tahay magaalada London ee dalka Ingiriiska.

HALKAN KA DAAWO BARYADA AJAKIS