Guddoomiye Cirro oo Xukuumada ku eedeeyey inay si cadaawad ah ula dhaqantay dadweyne Mudaharaad ka dhigay Gabiley

0
414

Hargeysa (CH)- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ahna Guddoomiyaha golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa xukuumadda ku dhaliilay qaabka ay uga fal-celisay bannaan-bax dadweynaha gobolka Gabiley dareenkooda ku muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan laba sarkaal oo midkood u dhashay deegaanka oo Askari ka tirsan ciidanka Qaranka toogasho qudha kaga jaray degmada Qurulugud ee gobolka Buuhoodle.

CirroBannaan-baxa maanta ka dhacay degmada Gabiley, ayaa maamulku u adeegsaday ciidamada Sida gaarka ah u carbisan ee RRU-da oo rasaas iyo muquunin kula kacay dadweynaha, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaadhay dadka shacabka iyo ciidanka.

Guddoomiye Cirro waxa uu sheegay in uu aad uga xun yahay kana tacsiyadaynaayo dadkii halkaasi ku geeriyooday Illaahayna uu uga baryaayo in uu caafimaad siiyo dadkii iyaguna ku dhaawacmay rasaas ay ciidamada RRU-du u adeegsatay shacabka.

Guddoomiye Cirro waxa uu Sidoo kale Shacabka Somaliland ka tacsiyeeyay Labada Sarkaal ee ka tirsanaa Ciidanka Qaranka Somaliland ee lagu dilay Magaalada Qorulugud,waxaana uu Illaahay uga baryey in uu Samir iyo Iimaan ka siiyo gaar ahaana dadweynaha Reer Gabiley iyo Dilla oo ay ka soo jeedeen.

Guddoomiye Cirro waxa uu cambaareeyey falka ay xukuumaddu kaga fal-celisay bannaan-baxa ay shacabku dhigeen, waxaanu yidhi,  “Waxaanan si adag u cambaareynayaa, sida ay Xukuumadu ula dhaqantey shacbiga Reer Gabiley ee tacabka ku lahaa dhaawacyada soo gaadhay dhalinyarada mudaharaadayay ee Reer Gabiley aad ayaan uga xunahay, waxaanan leeyahay ilaahay nabar gardaro ha idiinka dhigo,waxa kale oo aan tacsi u dirayaa ilmaha yar ee ku dhintey rabshadaasi,iyo qoyaskiisa,waxaanan ilaahay uga baryayaa in uu janadii fardowsa ka waraabiyo shacabka Reer Gabileyna, waxaan ugu baaqayaa in ay nabadgelyada ilaashadaan, oo ay dareenkooda si salmi ah ugudbiyaan,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

“Inaa lilaahi wa inaa Ileyhu raajicuun, waxaan halkan tacsi uga dirayaa Qoyaysaska labada Sarkaal ee katirsan Ciidamada Qaranka Somaliland ee lagu dilay, Tuulada Qorilugud,anigoo ilaahay uga baryaya in uu janadii fardowsa ka waraabiyo,gacan ka xaq daranbaa dishaye Illlaahay ka abaal mariyo. Waxaanan tacsidan u gudbinayaa dhamaanba Ciidamada Qaranka ee ay kabaxeen iyo shacbiga Reer Somaliland guud ahaanba, waxaanan sigaar ah uga tacsiyaynayaa dadweynaha Reer Gabiley iyo Dilla ee ay kasoo jeedeen iyo qoysaskoodii,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro oo warbaahinta la hadlay caawa.