Cali Guray oo Iftiimiyey Nusqaan iyo god-daloolooyin ku gedaaman Kartida Hoggaamineed ee Madaxweyne Siilaanyo

0
395

guray11112Waxa uu ka hadlay Magac-u-bixintii Kulmiye oo uu goob-joog ahaa iyo Qoyska Madaxtooyada ku soo biiray oo uu u duceeyey

Hargeysa (CH)- Guddoomiye ku-xigeenka 3aad ee xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray) oo ay muddo badan soo wada-shaqeeyeen Madaxweyne Siilaanyo, ayaa soo bandhigay gol-daloolooyin ku lammaan hibada hoggaamineed ee Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo.

Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray), waxa uu iftiimiyey in madaxweyne Siilaayo yahay nin qoys oo arrimaha qaranimada kaga wanaagsan qancinta qoyskiisa isla markaana uu hoggaamintiisa ku lammaaneeyo arrimaha qoyskiisa.

Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee UCID waxa uu arrintan ku iftiimiyey isl amarkaana ku soo qaatay sharraxaad  uu ka bixiyey halka uu ka yimi magaca Kulmiye ee ku abtirsada Xisbiga siyaasiga ah ee uu Md Siilaanyo ku fuulay Kursiga Dalka ugu sarreey.

Sidoo kale waxa uu arritan ku iftiimiyey in madaxweyne Siilaayo uu dhalay isla markaana leeyahay Ubad wanaagsan, isaga oo taas tusaale u soo qaatay Munaasibadda Meherka gabadha uu madaxweyne Siilaanyo dhalay ee Habeen hore Xafladda Meherkeeda lagu qabtay Aqalka Madaxtooyada.

Cali Guray oo qoraal uu kaga hadlay sida Magaca Kulmiye loogu bixiyey Xisbiga talada haya iyo Xafladda Meherka ee Habeen hore ka dhacay Madaxtooyada, ku baahiyey boggiisa Facebook-ga, waxa uu u duceeyey qoyska Cusub eek u soo kordhay Qoyska Madaxweynaha.

Qoraalka Cali Guray, ayaa u qornaa sidan: “Waryaadha u kaadiya! Aniga ciilka iyo cadhada aan u qabo Axmed Silanyo u gudbin maayo ubadkiisa, waayo waxaan ogahay oon qirayaa in Illaahay ubad wanaagsan odayga siiyay. Ha iga eegina in aan kala maqaam dhigo Maslax, iyo Cali Shigshigow, iyo Xasan Rubeeti oo ku hoos noola aabahood.

Habeenkii uu Axmed Silanyo gurigayga iigu yimi aan la saxeexay warqaddii xeer ilaalinta ee aanu KULMIYE ku diiwaan-gelinay maan waydiin magaca ururka, laakiin markii aan subaxnimadii soo kacay ayaan …ku arkay in la yidhaa KULMIYE anigoo makhaayad bun ka cabayana waxa dhegta igaga soo duushay waxa la yidhi” INANKIISA AYUU UGU MAGAC DARAR”, markaasaan xusuustay in inamadiisa mid Kulmiye magaciisu ahaa oo berigii Qaaxo ayay mucaaridkiisu ku xaman jireen wuxu ugu magac daray Xuseen Kulmiye Afrax AHN eh. Kolkaan bunkii dhamaystay ayaan guriga ugu tegay abaaro 9:00 subaxnimo. Toos ayaan ugu idhi waxa la leeyahay ururka magaca inankiisa ayuu u bixiyaye bal ka waran. Intuu qoslay ayuu yidhi “Caliyow cidda magaca bixisay in inankayga Kulmiye la yidhaaba may aqoon”.

Axmed beenta ma aqoon anna sidii baan ka rumaystay. Kulmiye bal maanta eega oo miyaan Maslax odhan karaa sow ilaahay I qabsan maayo. Saw noqon maayo qof cadhadu indho tirtay wax aan jirin loo sawiray.

Qoyska cusubi aniga waxa aan hambalyo iyo Duco ahayn igama mudna. Waxaan leeyahay Illaahay ha idinka dhigo kuwii isku raaga ee isku reeya ubad khayr qabana ilaahay ha idin kala siiyo.” Sidaas ayuu qoraalkisii ku soo gebegabeeyay Mujaahid Cali Guray.

Codkahargeysa.com