Muuse Biixi oo Xisbiyada Mucaaradka ah ku Canaantay Go’aanka ay qaateeen Diiwaangelinta Madaniga ah

0
338

Hargeysa (CH)- Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay khilaafka dhinaca sharciyadda Diiwaangelinta Madaniga ee u dhexeeya Xukuumadda iyo Axsaabta Mucaaradka, waxaanu sharci-darro ku tilmaamay in la joojiyo diiwaangelinta Muwaadiniinta oo maamulkeeda ay gacanta ku haynayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland.

Muuse Biixi oo maanta warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay inay xisbi xaakim ahaan u hoggaansamayaan heshiiska dhexmaray daneeyayaasha Doorashooyinka Somaliland, balse waxa uu wax layaab leh ku tilmaamay in Axsaabta Mucaaradka ahi ku dhawaaqaan go’aanka ay ku qaaddaceen Diiwaangelinta Madaniga ah iyada oo uu jiray heshiis iyo qorshe ay meel isla dhigeen oo arrinkiisa iyo talo-wadaaggiisa ay u ballansanaayeen.