GABADH uu Madaxweynaha Somaliland dhalay oo lagu Meheriyey $100 iyo Boqol KITAAB

0
327

Madaxweyne Siilaanyo oo Madaxtooyada dhexdeeda ku bixiyay Gabadh uu dhalay, dareenka bulshada iyo magaca Ninka cusub ee la xididay qoyska talada dalka gacanta ku haya

Hargeysa (CH)- Qoys cusub ayaa caawa la isugu hibeeyey Qasriga Madaxtooyada Somaliland, halkaasoo loogu gogol-fadhiistay Hodan Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo sifo waafaqsan dhaqanka oo heer qaran ah loogu hibeeyay Muuse Xasan Yuusuf oo ku soo biiray qoyska Madaxweynaha.

qoyska cusubMunaasibadan dhaqan waxa ka soo qayb galay Madaxweynaha, hal-doorka  Madaxdhaqameedka, Madaxda Asxaabta Qaranka, Goleyaasha Baarlamanka, xildhibaano, wasiirada xukuumadda intooda dalka ku sugan iyo Marti sharaf kala duwan oo dhinacyada xididka iyo xigaal ah ka socday.

Mid ka mida Munaasibaddo dhif iyo naadir ku ah Mandaqada Somaliland oo noocan ah ayaa lagu qaabilay xididka Gabadha soo doonay, waxaase jira aragtiyo kala duwan oo lagu falanqeynayo sheekada ku saabsan Xafladan fagaaraha Madaxtooyada dhexdeeda ka dhacday.

Inkasta oo goobta lagu qabtay Xafladu guriga qaranka looga taliyo ay ahayd, qaabka loo soo qaban qaabiyayna ay ahayd mid la mida munaasibadihii qaran ee lagu qaban jiray halkaas, intii ay socotay waa xaflada ee aad loo adkeeyay ammaanka aggagaarka madaxtooyada oo la xidhay wadada hor marta ee Laamiga ah, hadana waxa dibada ka joogay oo aan la ogolayn xataa inay sawir ka qaadaan Warbaahinta qaybaheeda oo dhan.

Kaftan u badan dhaqan, balse lagu ladhay lahjad siyaasaddeed ayaa ka dhacay intii xafladu socotay, waxaana gabadha hibeeyay Suldaan Muuse Dalab iyo Suldaan Maxamed Cali Kooshin oo ka soo jeeda Qabiilka Marwada Madaxweynaha, Gabadhana abtiyaasheeda.

Waxa ka guddoomay oo loo hibeeyay oo inay Xaaskiisa noqoto Muuse Xasan Yuusuf oo qabiil ahaan ka soo jeeda Jifada hoose ee Madaxweyne Siilaanyo (Ilmaadeer is guursaday).

Sida laga soo xigtay dadkii xaflada ka qayb galay waxa Gabadha lagu hibeeyay Gabaati dhan $100 iyo Boqol Kitaab Qur’aan. Taasoo ah arrin aad looga doodayo inta badan ka daadegi wayday Maskaxada  dadka arrintan u dhuunta daloola.

Kaftanka xaflada ka dhacay waxa ka mid ahaa xubnihii sida weyn uga hadlay Boqor Cismaan Aw-maxamuud Buur-madow iyo Suldaan Xiiray.

Madaxweyneyaashii hore ee dalka soo maray ayaa ku qabtay madaxtooyada laba arroos oo Taariikhda galay, kuwaasoo loogu kala dhisay Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo ahaa wasiirkii Arrimaha dibada ee xukuumaddii UDUB, kaasoo uu u Guuriyay AHN madaxweynihii Geeriyooday Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Madaxweynihii saddexaad ee dalka soo maray  Daahir Rayaale kaahin ayaa isaguna Arroos Qaran Madaxtooyada dhexdeeda ugu sameeyay Abwaankii Geeriyooday AHN Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye.

@gobonimonews