Hargeysa (CH)- Dhaq-dhaqaaqa Suuqa Xoolaha ee Magaalada Hargeysa, ayaa todobaadkii u dambeeyey kor u kacay, waxaanu wakhtigan la Ciirciiraysaa Xoolaha Nool oo xilligan oo kale sannad walba loo qaato Moosinka Xajka.
Sayladda Xoolaha ee magaalada Hargeysa oo ah suuqyada ugu waaweyn ee xoolaha loo iibkeenno Mandaqadda Geeska Afrika xilligan oo kale, ayaa la ciir-ciiraysa Xoolo la kala keenay dhammaan Dhulka Somalidu Degto oo ugu badan tahay Dhulka Somaliland iyo Hawda Itoobiya.
Marka aad Booqato Saylada Xoolaha ayaa waxa markiiba indhaagu qabanayaan Geel, Adhiga iyo Lo’da oo malaayiin ka baddan kuwaasi oo tuban Dhulka bannaan oo Sayladu ku taalo.
Sayladda Xoolaha Hargeysa ayaa wakhtigan ah mid aad u mashquula iyadoo ku dhex arkayso noocyada baabuurta waaweyn oo kala duwan baabuurtaa iyagoo qaarkood saylada soo galinayaan xoolaha qaarna ka saarayaan oo isla markaana u sii jeedaan dhinaca magaalo xeebeeda Berbera.
Ganacsatada ka Shaqeysta Xoolaha ayaa sheegay in sanadkan Xoolaha soo galay Saylada Hargeysa ay yihiin ugu ugu badnaa ee abid ay arkaan.
Dhawr Todobaad oo kali ah ayaa ka hadhay wakhtigii Moosinka Xajka iyada oo xoolaha ugu badan ay ka dhoofaan Dekedda Berbera sannad walba, iyada oo Xooluhu yihiin isha dakhliga dhaqaalaha dalku ku xidhan yahay.
Codkahargeysa.com
info@codkahargeysa.com