Hargeysa (CH)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay Muhiimadda ay Qaranimada Somaliland u leedahay hirgelinta diiwaangelinta Madaniga ah oo Axsaabta mucaaradka ahi ka biyo-diideen qaabka ay xukuumaddu u waddo iyo qodobbo ku xusan sharciyaddeeda.
Md Axmed Siilaanyo oo maanta kulan la qaaday Ururrada bulshada Rayidka ah iyo Qaybo ka mid ah Bahda Waxbarashada Somaliland, waxa uu shacabka ugu baaqay inay si mug leh uga qayb-qaataan diiwaangelinta Madaniga.
HALKAN KA DHEGAYSO HADALKA MADAXWEYNAHA