Xukuumadda iyo Xisbigeeda Kulmiye oo Mucaaradka kaga baxay Wada-hadal ay u ballaansanaayeen Maanta (DAAWO)

0
334

Hargeysa (CH)- Labada Xisbi mucaarad ee Waddani iyo UCID, ayaa sheegay in xukuumaddu kaga baxday kulan ay maanta gelinkii dambe u ballansanaayeen, kaas oo ay kaga wada-hadlayeen khilaafka ka taagan diiwaangelinta Madaniga ah oo qaabka loo hirgelinayo iyo qodobbo ku xusan xeerka diiwaangelinta ay axsaabta mucaaradku ka biyo-diideen.

Masuuliyiin ka tirsan xisbiyada UCID iyo Waddani, ayaa shalay shaaciyey inay isla afgarteen xukuumadda xalinta caqabadaha ku gedaaman diiwaangelinta Madaniga ah oo ay labada xisbi qaaddaceen, ka dib kulan dhexmaray hoggaanka xisbiyada iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda, iyaga oo sheegay inay kulan arrintan lagaga wada-hadlayo u ballansan yihiin maalinimada Salaasada ee maanta, kaas la qorsheeyey inuu ka dhaco Hotel Ambassador ee Hargeysa.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde iyo ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee xisbiga UCID Cabdinaasir Yuusuf Qodax oo caawa fiidnimadii warbaahinta kula hadlay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa oo ay ku sugnaayeen isla markaana ahayd goobta loogu ballansanaa kulanka baaqday oo dhexmari lahaa wasiirro xukuumadda ka tirsan iyo hoggaanka labada xisbi, ayaa sheegay in xukuumadda iyo Xisbigeedu kaga baxeen kulan ay ugu ballansanaayeen wada-hadal laga yeesho khilaafka ka taagan Xeerka Diiwaangelinta Madaniga ah.

HALKAN KA DAAWO

CODKAHARGEYSA.COM
INFO@CODKAHARGEYSA.COM