Hargeysa (CH)- Hoggaanka Sare ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ,ayaa si adag u difaacay sharciyadda ururkaas iyo xeer hoosaadkiisa oo guddiga qabanqaabada ee loo saaray shirweynaha shanaad ee ururku ay u ku kala qaybsameen nidaamka loo marayo soo xulista ergooyinka ka qeyb galaysa shirweynaha.
Shir-jaraa’id oo Guddigu maanta ku qabteen xarunta ururka, waxa ay ku dedafeeyeen eedeeymo kaga yimid gudida odayaasha saxaafada ee iyagu iskood isugu xilqaamay xalinta khilaafkii hoggaanka ururkaas oo ka hor intii aanay heshiisin u kala qaybiyay labada garab.
Guddiga Khilaaf-saarka SOLJA, ayaa go’aamada ay gaadheen shaaciyey iyaga oo aan kala tashan Hoggaanka Sare ee Ururka oo tallaabada ay ku kaceen u arkay inay ku jirto gacan saddexaad oo inay tahay xukuumadda lagu tuhmayo.
HALKAN KA DHEGAYSO