Guddiga Khilaaf-saarka SOLJA oo muddeeyey Xilliga uu Qabsoomayo Shirweynaha Ururku

0
314

HARGEYSA (CH)- Gudida khilaaf saarka ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa ka hadlay khilaafka markale ka dhexqarxay ururkaasi oo ku heshiin waayay qabanqaabadada shirwyanaha shanaad oo la qaban lahaa dhamaadka sanadkan.

Gudidadan oo ka kooban suxufiyiin waayeel iyo waxgarad iskugu jirta ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay inuu markale soo kala dhexgalo khilaaf ay hore u xaliyeen ka gudi ahaan. Waxaana madasha ay guddigu go’aamada kaga dhawaaqeen goob-joog ka ahaa xubnaha Guddiga oo kala ah Xuseen Cali Nuur, Maxamed Aw Aadan iyo Maxamed Cabdi Ilig.

SoljaGudoomiyaha gudida khilaaf saarka ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja suxufi Xuseen Cali Nuur ayaa sheegay wakhtiga la qaban doono shirwyanaha shanaad ee ururka,waxaanu tilmaamay inaanay waxba ka jirin go’aamada kale ee ay soo saareen hogaanka sare ee ururku waxaanu yidhi “in mudo ahba hawshan waanu ku jirnay ,gudidan aanu ku jirnayna waxa uu ahaa gudid isagu is xil qaaday si aanu ururkan aanu ku tirsanahay ee Solja u burburin,waxa ay ahayd ujeedadii markii ururka la aasaasay,fikirkii ugu horeysay waxa ay nagu dhalatay anagoo jeelka ku jirna 1992kii ayaa jeelka qoladii ugu horeeyay ee lagu xidhay waxa ka mid ahaa wariyayaal,imikana way yara tagtagaane kuma raagaan”ayuu yidhi Xuseen Cali Nuur oo ka mid ah gudida khilaaf saarka ahna suxufi rug cadaa ah oo ka soo hawl galay meelo kala gadisan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba”ayuu yidhi Gudoomiyaha gudida khilaaf saarka ururka SOLJA

Waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata raaciyay “Mihnadan aanu leenahayna dhibaatadaasi ayay leedahay,waxyaabaha loo soo maray waa iyadoo rasaas la isku eryanayo magaalada oo manta idinkoo raaxaysanaya ayaad qabanaysaa”ayuu yidhi Xuseen Cali Nuur.

Gudida khilaaf saarka ururka solja ayaa waxa uu soo saaray qodobo dhawr ah oo xal u noqon kara khilaafka ragaadiyay ururkaasi.

“Waxaanu gudidu go’aansaday SOLJA boodhadhka suxufiyiinta Somalialnd waa ka ugu wayn ,mana ahayn inay hawlaha ay hayaan isku khilaafaan,waxa ayaan daro ahayd inuu khilaafkoodu soo shaac baxo ,xili dhamaad ku dhaw intii loo xil saaray inay hawshaa noo hayaan.

Gudida fulintu waxa uu ku amaanan yahay inay  ogolaadaan gudi dhexdhexaanideed ay sharci ku dhameeyaan khilaafkii horyaalay,isla mar ahaantaana ay kalsooni buuxda sameeyaan.

Waa markii ugu horeysya khilaafaad dalkan ka dhacaa oo maamulka iyo dadka xilka ahayaa iskaga horyimaadaan oo lagu dhameeyo sharci,waanay ku amaananyihiin”.

Dhinaca kale isaguna waxa halkaasi ka hadlay Maxamed Cabdi Ilig  oo xubin ka ah gudida khilaaf saarka ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxanu sheegay in loo baahan yahay in khilaafka hore loo dhameeyo shirwaynahana hore loo qabto.

Hawshan aynu u fadhino ee aad u joogtaan halkan waa mustqabalkiinii iyo aayihiinii ,dhamaantayo inta halkan fadhida ujeedo nooga dambaysaa ma jirto in ururkaasi dhisnaado waa dinka ,dadka u aayayaana waa idinka,dadka u baahan inay ka fikiraan mustaqbalkooda dambe waa idinka” ayuu yidhi Maxamed Cabdi Ilig Agaasimaha Guud ee Tvga HCTV

Waxaanu intaasi sii raaciyay “dhamaan way ka sii wada socdaan ,idinkana waxa la idinka baahan yahay inaad ka idinka dambeeya u shaqaysaa,ma jirto in ururku cid gaar ahi u xidhnaado dhamaanteen ayaa ururka wada leh,qof gaar ahi ururka iskama laha,ujeedadu waxa ay tahay mustaqbal ayaynu ka fikiraynaa marka mustaqbal laga fikiraya waa in danta gaar ka ah halkaasi la iska dhigo”.

Ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa gudidan khilaaf saarku waxay hore u dhameeyeen khilaaf soo kala dhexgalay kaasi oo salka ku hayay cida magacaabaysa gudida qaban qaabada  shirwaynaha shanaad ee ururka la doonayay inuu qabsoomo sanadkan dhamaadkiisa.

Gudida ayaa qodobo iyo talooyin wax ku ool ah u soo jeediyay masuuliyiinta iyo golaha fulinta ee ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja.

CODKAHARGEYSA.COM