Hargeysa (CH)- Musharraxa u taagan Jagada Madaxweyne-nimada ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay inay soo bandhigayaan xogo musuqmaasuq, wax is-daba-marin, maamul-xumo, qabyaalad iyo dhibaatooyin baaxad leh oo ka taagan Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa iyo Madaarka Berbera oo uu sheegay inuu ku kacay Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi.
Musharrax Jamaal Cali Xuseen oo Habeen-hore Waraysi gaar ah siiyey Wargeyska Himilo isagoo ku sugan Caasimadda Hargeysa, ayaa ka jawaabay hadal uu Wasiirka Duulistu ku duray Jamaal ahaan, waxaanu Jamaal wax lala yaabo iyo caqli-xumo ku tilmaamay in Wasiirka Duulistu go’doomiyo dadka dega Koonfurta garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, kuwaasoo uu Silig ku wareejiyey, isla markaana ka xidhay waddo oo dhan, halka uu waddo gaar ah u sameeyey ciddii dawladda ka socota, balse ay xayiran yihiin Carruurtii Iskuullada iman lahayd iyo dadka sida degdegga ah loo soo gaadhsiin lahaa Cusbitaallada gudaha Caasimadda ee dadka Koonfurta ka xiga Madaarka.
“Annagu Xisbi Mucaarad ah baannu nahay oo ummadda Somaliland ciddii kolba dulman baa noo yeedhata, annagu waxaannu doonannay maaha Siliggaasi, dadka agagaarka Madaarka Hargeysa deggan, gaar ahaan koonfurtiisa ayaa noo yimi oo yidhi; ‘waannu dulmannahay’. Dawladdu intay intaas oo Mayl xidhatay, ayaa toban mitir oo waddo ah u samayn waayeen, dadkiina gedoon baa ku dhacay oo waxay ka soo wareegayaan meel intaas oo Kiiloo-mitir u jirta. Carruurta dadka deggan Koonfurta Hargeysa Iskuullada way ka soo habsaamayaan, si deg-deg ah Cusbitaal uma iman karaan waa la gedoomiyey, dawladdana waddo ay maraan buu u sameeyey Wasiirka Duulistu.” Sidaa ayuu yidhi Jamaal.
Musharraxa Jagada Madaxweynaha Xisbiga UCID u taagan Jamaal Cali Xuseen, waxa uu intaas ku daray; “Waan arkayey inuu Wasiirka Duulista Hawadu Shaqsi ahaan aniga wax iiga sheegay oo uu yidhi; ‘Aqoon baanu lahayn oo Madaarradaanu aqoonnin, dee anigaaba Baankar ah oo Madaarrada Maalgelin jiray oo siday u dhismaan iyo waxa gala wax ka aqaanne, garan maayo halka uu Wasiirka Duulistu aqoonta Madaarrada ku bartay garan maayo.”
Jamaal waxa uu sheegay inay hoos-u-eegayaan UCID ahaan xad-gudubyada iyo dembiyada uu dalka iyo dadka ka gelayo Wasiirka Duulista Hawadu, waxaanu yidhi; “Wasiirka Duulista Hawada arrimihiisa hoos baannu u eegaynaa Xisbi ahaan, dhawaanna waxaannu soo bandhigi doonnaa inta Musuqmaasuq ee uu galay, dembiga uu dalka ka galay, tobankii Milayan ee Doollar ee lagu cunay Madaarka Hargeysa, Shantii Malyan ee Garoonka diyaaradaha Berbera, waxyaabahaas oo dhan in badan baannu ka leexleexannaye waannu u geli doonnaa.”
“Weliba annagu la yooyootami mayno ee waxaannu soo bandhigi doonnaa xaqiiqo jirta iyo xogo cadcad oo ummadda oo dhami aragto. Waana la ogyahay Garoonka diyaaradaha Hargeysa sida uu u dulman yahay, dhibaatooyinka ka jira, qabyaaladda iyo qudhunka uu Wasiirkan immika joogaa (Maxamuud Xaashi Cabdi) ka wado, waxaas oo dhanna war cad baannu ka soo saari doonnaa haddii Allaah yidhaahdo.” Sidaa ayuu yidhi Musharrax Jamaal Cali Xuseen.