Jewigii shalay ee Golaha Wakiillada: Ismaqiiqii Muxaafidka, Ismuujintii Mucaaradka, ka dhex-tooskii Guddoomiye Cirro iyo Go’aankii ka dambeeyey

0
350

Hargeysa (CH)- Buuq, Sawaxan, Sanqadh iyo Qaylo, ayaa hadheeyey Fadhigii Golaha Wakiillada Somaliland ee Shalay, ka dib markii Xeerka diiwaangelinta Madaniga ah oo Xukuumaddu ku soo lifaaqday Xeerka diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka oo sannadkii 2011-kii la laalay si aan la isku ogeyn oo jujuub ah Golaha loo horkeenay, isla markaana Mudanayaasha loogu qaybiyey.

CirroXeerkan oo ay Gacanta ku haysay Guddiga Arrimaha gudaha ee Golaha Wakiilladu, ayaa fadhiga shalay lagu horkeenay qaab tahriibin ah sida uu ku dooday Guddoomiyaha Guddigaas Xildhibaan Ibraahin Jaamac Rayte, kaasoo ay Mudanayaasha Muxaafidka ah ee Goluhu doonayeen in duudduub lagu ansixiyo, halka Xildhibaannada Mucaaradka ahina qorshahaas gaashaanka ku dhufteen, isla markaana is-hortaageen damaca Muxaafidka. Waxaana Fashilinta damaca Muxaafidka ka qayb-qaatay Guddoomiyaha Golahaas Mudane Cabdiraxmaan-Cirro oo isla shalay subax ka soo laabtay safar uu ugu maqnaa magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo uu shir kaga qaybgalay.

Fadhiga Sabtidii shalay ee Golaha Wakiillada waxa qaybtiisii hore guddoominayey Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golahaas Md. Baashe Maxamed Faarax oo uu Garab-fadhiyey Guddoomiye Ku-xigeenka labaad Md. Cali Yuusuf Axmed oo labadooduba ka tirsan Xildhibaannada laga soo doortay Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE. Fadhiga ayaa ku furmay Kooram la’aan, waxaana fadhiga lagu bilaabay dood uu Xildhbiaan Bashiir Tukaale oo ah Guddiga arrimaha gudaha iyo Amniga oo Xeerka diiwaangelinta Madaniga ah iyo lagu lifaaqay-ba gacanta ku hayey, una soo gudbiyey Golaha isagoon Guddoomiyaha Guddigoodu ogeyn, kuna sexeexnayn, sidoo kalena dalbaday ansixinta Xeerkaas sida ay sheegeen Weriyeyaasha goob-joogga ka ahaa Fadhiga shalay.

Haddaba, iyadoo Jewiga Fadhiga Golaha Wakiillada Somaliland ee shalay uu cakiran yahay oo markaas Shir-guddoonka Golaha oo ahaa labada Ku-xigeen ay ku guda-jiraan dood-gelinta Xeerkaas in sidiisa duudduub loogu ansixiyo iyo in laga doodo, ayaa waxa fadhiga si kedis ah u soo galay Guddoomiyaha Golahaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo dalka dibeddiisa lagu ogaa, soo gelitaankaasina waxa uu naxdin iyo weji-gabax ku noqday labadiisa Ku-xigeen iyo Mudanayaasha Muxaafidka ah oo isaga hortii ay Mudanayaasha Mucaaradka ah isku mari la’aayeen.

Waxa markaa ka dib, istaagay Guddoomiyaha Guddiga arrimaha gudaha iyo Amniga ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Ibraahin Jaamac Rayte, waxaanu yidhi; “Inqaal yar baad mooddaa oo aan dhiig ku daadan inuu Guddigayaga ka dhex-dhacay, Xeerkan kamaannaan soo shaqaynin, Khamiistii baannu u ballansanayn, Khamiistii maan iman, Maantana (Shalay) waa Sabti, shalay (dorraad) oo Jimce ah baa u dhexaysay, in la soo gudbiyey manaan saxeexin manaan ogeyn, Shaqo faro badanina Xeerkan way u dhiman tahay, waxaana weeye Xeer sidii uu u shaqayn lahaa ay aad iyo aad u kala dhantaalan tahay, waana laba Xeer oo kala duwan oo laba Hay’adood oo kala gaar ahi ay fulinayaan, waxay ku kala saabsan yihiin laba arrimood oo kala jaad ah iyo laba hannaan, waxay leeyihiin laba wakhti oo kala duwan, waxay ka hadlayaan laba Shaqo iyo laba Qorshe oo kala duwan.”

“Waxaan leeyahay Xeerkani si xalaal ah Guddigayaga ugamuu iman, waayo? Kulankii ugu horreeyey Khamiistii baannu lahayn, waxay ahayd inaannu toddobaadkan ka shaqayno oo wixii kaabis iyo wax ka beddel ah toddobaadkan dabayaaqadiisa aannu Golaha keenno. Hase-yeeshee, Tahriib baa lagu keenay Golaha, isla Khamiistii baa la keenay Golaha, aniga la iima soo sheegin, Golaha kamaan maqnayn, Guddoomiyihii Guddiga ayaan ahay, Golaha wixii loo soo gudbinayo anigaa u soo gudbinaya, qaabka lagu keenayna ma ahayn qaab sax ah.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Rayte oo inta uu hadlayey Buuqa iyo dhawaaqyada Xildhibaannada Muxaafidka iyo Mucaaridku garab-socdeen hadalkiisa.

Waxaanu Xildhibaan Rayte oo hadalkiisa sii watay intaas ku daray oo uu yidhi; “Immikana waxaan soo jeedinayaa Guddoomiye in Xeerkan Guddi loo saaro, waa masuuliyad-darro Xeerkan haddaynu sidiisaa ku siideyno, sidaa awgeed, waxaan leeyahay Guddi halloo saaro. Xeerkan si sax ah hallooga shaqeeyo Ummadda haddaad doonaysaan inaad u shaqaysaan, haddaad dano gaar ah leedihiinna waakaas.”

Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro oo markii uu fadhiga soo galay-ba la wareegay guddoominta Fadhiga, ayaa dalabkaas ka dib, waxa uu Xildhibaannada ku war-geliyey in Xeerkan Diiwaangelinta Madaniga ah ee uu ku lifaaqan yahay Xeerka Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaashu Golaha hor-oolli doono, isla markaana lala sugi doono Guddiga doorashooyinka oo qayb ka ah Xeerkan oo ka talo-bixin doona murugga iyo qodobbada aan saxsanayn ee Xeerkaas. Intaas ka dibna waxa uu sidaas ku soo xidhay fadhiga oo uu sheegay in fadhigu sidaas ugu xidhan yahay.

Xeerka diiwaangelinta Madaniga ah ee ay Xukuumaddu soo curisay, isla markaana ay u soo gudbisay Golaha Wakiillada, waxa qodobbadiisa ka mid ah inaan diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha la qaban karin illaa la dhammaystiro diiwaangelinta Madaniga ah, qodobkaas oo ay Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI si weyn uga soo hor-jeesteen, isla markaana ku tilmaameen khiyaamo aanay aqbali karin, kuna saleeyeen go’aanka ay ku qaaddeceen Khamiistii guud ahaan diiwaangelinta Madaniga ah