Xisbiyada Mucaaradka oo Shaaciyey inay Qaaddaceen Diiwaangelinta Muwaadiniinta iyo arrimo siyaasadeed oo ay u sibir-saareen

0
344

Hargeysa (CH)- Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI Iyo UCID ayaa si wada jira gabi ahaanba u qaadacay Diiwaan galinta Madaniga ah ee la filayo in dhawaan dalka laga sameeyo.

Shir-jaraa’id oo ay masuuliyiinta ugu sarraysa Labada Xisbi Mucaarad maanta ku qabteen Xarunta Xisbiga WADDANI ee Magaalada Hargeysa, waxa ay ku sheegeen in ay ka Mucaarad ahaan ay gabi ahaanba qaadaceen Diiwaan galinta Madaniga ah,waxaana ay ugu baaqeen guud ahaanba taageerayaashooduna in aanay ka qayb galin diiwaan galintaas.

Xisbiyada Mucaaradka oo Shaaciyey inay Qaaddaceen Diiwaangelinta Muwaadiniinta iyo arrimo siyaasadeed oo ay u sibir-saareenGuddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md Axmed Muumin Seed oo  shirka-jaraa’id ka hadley ayaa ugu horeyn waxaa uu faah faahin dheeraad ah uu ka bixiyey qaabkii uu hore ugu dhacay heshiiskii dhexmaray Axsaabta Qaranka,Komishanka Doorashooyinka,Iyo Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland sida oo kalena loo gudbiyey deeq bixiyeyaasha Somaliland ka taageera arrimaha Doorashooyinka.

HALKAN KA DAAWO