Xildhibaan Fadeexad iyo Ceeb ku tilmaamay inuu Madaxweyne Siilaanyo ka Qayb-galo Xafladaha Qalin-jabinta Ardayda Jaamacadaha

0
320

bashiirHargeysa (CH)- Xildhibaan Bashiir Tukaale oo  ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland ugu jira Xisbiga Waddani,  ayaa Madaxweyne Siilaanyo ku dhaliilay inuu sannad kasta ka qayb-galo xafladda qalin-jabinta Ardayda Jaamacadaha isaga aan u samaynin wax ballan-qaad ah iyo qorshe xukuumaddiisu ugu talo-gashay, waxaanu sheegay inuu maalin walba Markhaati ka noqdo dhalinyarada Tahriibaysa.

Xildhibaan Bashiir ayaa si kulul Madaxweyne Siilaanyo ugu dhaliilay inaanay xukuumaddiisu wax qorshe ah oo ay ugu talo-gashay jirin boqolaalka Arday ee sannad walba ka qalin-jabinaysa Jaamacadaha dalka, isaga oo sheegay inay madaxweynaha ceeb ku tahay inuu ka qayb-gelo munaasibadaha arday qalin-jabinaysa isaga oo aan u sin wax ballan-qaad ah oo xukuumaddiisu ku qaabilayso. Boqolaalka waxbarashadooda sare ka dhammaystay.

Isaga oo arrimahan ka hadlayey waxa uu yidhi, “Horta in dadku wax bartaan way fiican tahay, inta wax baratay ee si dhab ah wax u baratay waan hambalyaynayaa, laakiin Maalin walba waxa Qalin jabinayaa intaa , Madaxweynihiina wuu u Qudbadaynayaa, Madaxweynuhu wuxuu Markhaati ka noqonayaa inta Tahriibaysa, ee Tahriibi doonta ayuu Maalin walba Goobjoog ka yahay, waayo dee Wax camal ah oo uu u hayaa ma jirto ama uu u Abuuray, Masuuliyaduna isaga ayay saran tahay, inuu Ummada Jaamacadaha ka soo baxaysa uu Camal u sameeyo, laakiin Haddii uu maalin walba Markhaati noqdo.”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Maanta Afar boqol baa Jaamacadan ka qalin jabisay, Afartaa Boqolna way Tahriibayaan dee Tahriibta ayuu Markhaati ka yahay ilayn Qalin jabin Markhaati kama Noqonayee,” ayuu yidhi Xildhibaan Bashiir Tukaale.

Codkahargeysa.com

info@codkahargeysa.com