Madaxweyne Siilaanyo oo ka qayb-galay munaasibad loo qabtay 790 Arday oo ka qalin-jabiyey Jaamacadda Golis

0
311

Hargeysa (CH)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ka qayb-galay munaasibad loo qabtay 790 Arday oo ka qalin Jabiyey 10 Kuliyadood ee Jaamacada Golis ee magaalada Hargeysa.

Ardaydan oo Dufcadii 10aad ee ka qalin-jabisa Jaamacadda Gollis, waxa munaasibadda qalinjabintooda oo si heersare ah loo soo agaasimay loogu qabtay qabtay Hotelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qayb galay ka sokow madaxweynaha Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Maamulka Jaamacada Ardayda qalin Jabisay iyo Marti sharafkale.

GOLIS (22)Ugu Horeyn Gudoomiye ku xigeeka Jaamacada Gollis Caydaruus Maxamed Abiibiib Oo Kalmadii Furitaanka Kubilaabay ayaa si kooban u sharaxay Munaasibadan Qalin Jabinta ah ee ay Jaamcadu ku maamuustay Ardayda “maanta halkan waxa halkan ku qalin Jabiyey 10 kuliyadood oo ka mid ah 13 ka Kuliyadood ee ay Jaamacada Golis ka kooban tahay, waa ardaydii ugu badnayd eek a qalin jabisa Jaamcda Golis oo ah 790 Arday , maanta Qaranka Somaliland waxa ku soo biiray 790 Aqoonyahan oo ah mid lagu quwaynayo Aqoonta dalka Maansha allah tabaaraka Laah” ayuu yidhi Caydaruus

Gudoomiye ku xigeenka Jaamacada Golis mar uu ka hadlayey 10 ka Kuliyadoo ee ay ardaydu ka qalin Jabiyeen ayaa waxa uu yidhi “ hadii aan xuso kuliyadaha halkan fadhiya oo aan rajaynayo inay wax wayn u soo kordhin doonaan wadanka, waxa maanta qalin Jabinaya wadankeen oo markii u horeysay Degree qaadanaya kuliyada Xanaanada Xoolaha, lafdhabarta wadankeenu waa xoolaha nool anagoo taa ka duulayna ayaanu soo saarnay cidii u adeegi layd, waxa kale oo qalin Jabiyey Public Health, Computer Engineering, ICT, Agriculture, Education, Management science and Economic, Sharia and Islamic Study, civil Engineering” ayuu yidhi Caydaruus

GOLIS (28)Dhinaca kale waxa halkaasi Khudbado kala duwan ka jeediyey Hogaamada Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacda Golis oo uu mid waliba Kuliyadiisa iyo tirade Ardayda ee ka qalin Jabisay halkaasi kaga dhawaaqay waxaanay ku bogaadiyeen inay dhamaysteen Degree-goodii koowaad iyagoo ku booriyey inay sii wataan oo ayna intaa kaga hadhin.

Gudoomiyaha Jaamacada Golis oo ka Khudbad dhinayo badan taabanaysa halkaasi ka jeediyey ayaa ku dheeraday Jaacada Golis kaalinta ay kaga jirto kor u qaadista tayada waxbarashada dalka iyo ardayda wax ka barata waxaanu sheegay inay Jaamcada Golis waaxoo ku leelahay Hargeysa, Berbera, Burco iyo Ceeri Gaabo, waxaanu sheegay inay maal maha soo socda Qaybaha Goboladuna ay qalin jabintoodu dhici doonto, waxaanu Madaxweynaha ku bogaadiye sida wanaagsan ee uu isku bar bar taago ardayda wax ka dhigata Jaacada, waxa kale oo halkaasi khudbdo kala duwan ka jeediyey Wasiirka Wasaarada Waxbarashada, Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha, maayirka Hargeysa iyo Masuuliyiin kale.

GOLIS (25)Madaxweynaha Jambhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaayo Khudbad ka jeediyey munaasibada Qalin Jabinta Ardaya Jaamacada Gollis ayaa waxa uu yidhi “waxaan halkan Hambalyo iyo bogaaadin ug asoo jeedinayaa Ardaydan faraha badanleh iyaga iyo macalimiintoodii iyo waalidkoodii, hadii aan ahay madaxwaynihii dalka Somaliland waxaan idiin sheegayaa inaan umad ahaan, inaanu marwalba ku farxayno heerka ay dhalinyarada yahada iyo Jaacadaha yagu gaadhayaan, magaca iyo sharafta ay dalka u soo hooyaan, Habalyo aad u balaadhan baan idiin soo jeediyaan waxaan idiin rajaynayaa inaad noqotaan Aqoonyahankii iyo madaxdii mustaqbalka ee wadankan” ayuu yidhi Madaxwaynaha Somaliland.

Gaba bagadii waxa halkaasi Shahaado sharaf lagu gudoon siiyey Madaxwaynaha Somaliland iyo Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, waxa kale Gobo gabadii shahaadooyin halkaasi lagu guddoonsiiyey Ardayda dhamaysatay Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Golis faraceeda magaalada Hargeysa.

 

CODKAHARGEYSA.COM

INFO@CODKAHARGEYSA.COM