Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta si rasmi ah ugu daah-furay baasaboorka cusub ee E-Passport oo dawladdaha Somaliland yeelanayso munaasibad lagu qabtay xarunta guud ee Laanta Socdaalka Somaliland.Waxaana munaasibadda goob-joog ka ahaa ka sokow madaxweynaha, wasiirrada Daakhiliga, Maaliyadda, taliyaha Laanta Socdaalka iyo masuuliyiin kale.
Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu xadhigga ka jaray Xafiisyo laga hirgeliyey xarunta Laanta Socdaalka Somaliland, kuwaas oo loogu talo-galay inay dadweynaha ka qaataan baasaaboorka Cusub.
Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyada Somaliland Gaashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf oo ugu horeyn ka hadlay halkaas, ayaa ka warbixiyey waddamada lagu tegi karo Baasaaboorka cusub ee Somaliland. “Maanta waxaanu haysanaa Baasaboor Elektaroonik ah oo aad iyo aad u tixgelin mudan oo dalalka jaarka iyo ilaa lix iyo labaatan waddan ay ballan-qaad noo sameeyeen in lagu iman karo. Ciddii u baahan ee is-caddaysa inay tahay Somalilander wuu qaadanayaa,” ayuu yidhi Gaashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf isaga oo intaas ku daray waddamada ballan-qaadka ay ka haystaan baasaboorka Somaliland in lagu tegi karo ay ka mid yihiin Yugaandha, Yemen, Koonfur Afrika iyo Masar.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa sharraxaad ka bixiyey saddex nooc oo baasboorkani ka kooban yahay oo mid waliba leeyahay midab gaar ah. Wasiirku waxa uu soo bandhigay saddex baasaaboor oo kala leh midabbada Casaanka oo ay qaadayaan dibloomasiyiinta ama Madaxda Dawladda, baasaboorka Cagaarka oo ay qaadanayaan shaqaalaha dawladda iyo nooca midabkiisu Madowga yahay oo loogu talo-galay shacabka.
Waxa kale oo halkaas ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa ka hadlay qorshaha xukuumadda ee hirgelinta Baasaaboorka Cusub, isaga oo sheegay in sannad-miisaaniyadeedkii 2013-kii lagu daray kharashka lagu hirgeliyey.
Wasiirka Samaale oo ka hadlayey muhiimadda baasaboorkani u leeyahay ammaanka Somaliland, waxa uu yidhi, “Qof kasta oo Somaliland soo galay ama ka baxay xafiiskanaa laga helayaa, haddii la baadhayo qof waddanka dambi galay, xafiiskanaa laga helayaa, qalab la aamini karo ayaa yaala, dhisme cajiib ah. Baasaboorkanna Sannadkii 2013-kii ayaa miisaaniyadda lagu daray,” ayuu yidhi Cabdicasiis Maxamed Samaale.
Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo noqday qofkii ugu horreeyey ee lagu aftaxo bixinta baasaboorka Cusub, ayaa ku bogaadiyey cid kasta oo ka qayb-qaadatay suurto-galinta in Somaliland yeelato baasaboorka Casriga ah, waxaanu tilmaamay sida dunidu wakhtigan ugu sii xuub-siibanayso isticmaalka E-Passport isla markaana looga sii baxayo baasaaboorkii hore ee magaca iyo sawirka qofka gacanta loogu dhejin jiray.
“Waan ku hambalyeynayaa cid alaale ciddii ka shaqaysay, tallaabada maanta la qaadayna waa tallaabo horumar u ah dalkan Somaliland. Waxaan rejaynayaa inay noqoto mid lagu guulaysto, dadkeenna iyo umaddeenanna anfaca,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
codkahargeysa.com
info@codkahargeysa.com