….rag cadaalad waayay sidii cawsha kala yaac .cadaalad daradu waxa ay keentaa kala qaybsanaan bulshada dhexdeeda waxayna burburisaa isku duubnaanta bulshada iyo qaranka…… cadawna waxa ay u tahay nabada iyo hormarka bulshada….( No Peace Without Justice),…. Marka Maamulka Dawliga ah ay isa-seegayaan dadkiisa waxa lagu yaqaanaa in maamulkaasi uu marka u horaysa ka dhinto dhinaca Cadaalada, hubka loo isticmaalo in lagu burburiyo Garsoorka ayaa ah Eexda, Qabyaalda, Laaluushka iyo Musuqmaasuqa……….
September 07, 2014 Ka dib socdaal aan ku tegay Magaalada Burco fasaxaygii dhowaa , ayaan doonayaa inaan ku cabiro ,maqaalkaygan nabadeena suuban ee aynu ku soo caano maalnay labaatanka iyo Afarta sano ee dalkeenu jiray iyo waxyaabaha farahadan ee uu hoos hadhsanaaya waxna u dhimi kara nabadeena wax ka mida , cadaalad xumida haysata bulshadeena reer Somaliland ee ka jirta qaar ka midda gobalada Somaliland.
intaas ka-sakow aan u-gundo dego maqaalka nuxurkiisa , aniga oo si kooban kooban uga wada hadli doono qodobada aan kor ku soo xusay.
Dalkeena hooyo ee Somaliland waxa wuu soo socday labatan iyo Afar sano oo ku suntan xiligii aynu la soo noqonay xoriyadii inaga luntay lixdankii ee ku salaysnayd caadifada soomali jacaylka ahayd , midhaheeduna noqday xasuuq balaadhan oo loo geystay shacabka Somaliland
labatankaas iyo afartaa sano dalkeenu waxa uu soo maraayay jaran jarooyin kala-duwan xili hubka dhigis , nabadayn dhamaan beelaha Somaliland iyo sidii loo dhisilahaa hayadihii ( institutions) adeega u fulin lahaa shacabka reer Somaliland ee ku kala dhaqan dhamaan gobalada Somaliland,ha ahaato adeega dhinaca caafimaadka , waxbarashada , cadaalada iyo amniga
Nabadu waa asaaska hormarka bulsho kasta, nabada iyo cadaaladduna way isku –xidhanyihiin, hadaanay nabad jirin dalka talaabo hormarineed oo uu qaadayaa ma jirayso, maxaa yeelay nabad la,aan waa nolol la,aan
Somalidaa ku maah maahda nabadbaa caano macaan, Intaas oo dhan kasakow nabada aynu ku naaloonayno waxa hoos hoganaysa cadaalad daro saamaysay qaar ka midda bulsho waynta reer Somaliland , gaar ahaan shacabka G/Togdheer .
Hadaba socdaal gaaban oo aan ku tegay magaalo madaxda G/togdheer ayaan waxaan ku soo arkay , cadaalad daro ka taagan gobolkaasi , siiba Gudoomiyaha Maxakamadda G/Togdheer Maxamed Jaamac Cashuur ,
Cadaalad darada ka jirta maanta gobolkaasi waxa ay mid ahayd , xataa uu ka maragkacay madax-waynaha qarankeena mudane axmed maxamuud siilaanyo . waxaanu isku dayay in uu dibu- habayn ku sameeyo gudida cadaalada qaranka somaliland , nasiib darose wali wax hagaagsan oo la-taabankaro oo laga qabtay cadaalada qarankeenu ma jirto, marka aad loogu fiirsado indho- adkaanta iyo cadaalad darada maalinkasta uu ku kacaayo Gudoomiyaha Maxkamadda G/Togdheer.
cadaalad la,aanta baahsan ee haysata bulsho waynta G/Togdheer siiba Gudoomiyaha Maxkamadda G/Togdheer , waa mid aad ka dheehan kartid marka aad tagtid ama aad booqatid xarunta Maxkamadda Gobolka Togdheer.
Markii aan booqday maxkamada G/Togdheer, waxaan ku arkay hooyo muwaadinad ah oo xoogsato ah oo dhulkeedii lagu haysto mudo ku siman dhawr iyo toban sano laaluushka laga qaadayna wuu tira-beelay ayaa waliba dhulkii loo xukumay cid ka jeebad roon oo ka laaluush batay, taas oo weliba u hanjababayey in la xidho Gudoomiyaha Maxkamadda G/Togdheer ,Maxamed Jaamac Cashuur.
Arinkaa aan arkay ka-sakow , waxaad kaloo aan indhahaaga ku soo arkay Gudoomiyaha Maxkamdda G/Togdheer oo la baayactamaya nin ganacsade ah oo laygu sheegay inuu yahay sariflayaasha lacagaha oo dilaal u ah gudoomiyaha Maxkamadda G/Togdheer oo isaga la soo maro , taas oo aad moodaysay sidii ooy kala iibsanayaan miciishad ( commodity ) . waxa is waydiin mudan dadka baayac tamataa waayo ? xaq ma u leeyihiin ? cadaaladii aan ka sugaynay Gudoomiyaha Maxkamadda G/Togdheer Meeday?/
Madaxweyanaha Somaliland , wasiirka Cadaaladda , Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo Guddida Cadaalada , waxaa laydinka sugayaa , marka xaalka Gudoomiyaha Maxkamadda G/Togdheer sidaas yahay :- waayo muwaadin xoolihiisu ka maqan yihiin oo u baahan in ay cadaaladu u hiiliso oo xaqa ka maqan ay siiso iyo garsoore looga martida ahaa in uu umada garta u kala sooro, ka xaqalahna xaqiisa u sooro xaqdaradana ka hiiliyo una hiiliyo xaqa iyo cadaalada, oo isagu kow ka noqdo cadaalad darada .
Cadaalada dalkeena ka jirtaa waataas iyo in kabadan oo dadka reer Burco ay tabayaan, Somaalidaa ku maah maahda rag cadaalad waayay sidii cawsha kala yaac .cadaalad daradu waxa ay keentaa kala qaybsanaan bulshada dhexdeeda waxayna burburisaa isku duubnaanta bulshada iyo qaranka.
cadawna waxa ay u tahay nabada iyo hormarka bulshada, ku soo koobi kari maayo maqaalkaygan kooban iyo iftiimanta aan ku samaynayay nabada aynu haysano iyo waxa hoos hoganaya ama hoosyaala .
Waa in la ilaaliyaa Cadaalada( No Peace Without Justice), nabad jiri-mayso ,haddii aan cadaalad jirin, Cadaalad la,aanta hoos hoganaysa nabada aynu ku naaloonayno . aan ku soo noqdo Gudoomiyaha Maxkamada G/Togdheer.
Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Togdheer ayaa si ka baxsan anshaxa garsoorka iyo nidaamka Dawlad-nimo u duudsiya xuquuqda dadka tabarta yar , isagoo caan ku noqday laaluush qaatanimo , dadka xaqdaradda ku mamay,
Waxaanaan Xukuumada JSL u sheegayaa , marka aan arkay qaabka ay Maxkamadaha Somaliland qaar ka middi u shaqeeyaan gaar ahaan Maxkamadaha Gobolka Togdheer ee Caasimada Burco, inay ay dadweynuhu ka cawdaan, Siiba Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Togdheer Maxamed Jaamac Cashuur, cadow ku ah nabadda Gobolka ,haddii xaalku sidaa sii ahaado , oo dhowr jeer xukuno qaldan oo sameeyey, dadkii uu ku gabood-falay, ay suuqa dhexdiisa , ku dileen, marna maxkamadda lagu dili-gaadhay , sida lay xaqiijiyey.
No Peace Without Justice
Madaxda sharafta leh ee ay arintani khusayso:- waa in aad ka qabataan dadweynaha G/Togdheer Dulmiga Iyo Cadaalad-darada ku soo noqnoqtay ee Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Togdheer Maxamed Jaamac Cashuur
Xitaa waxuu gaadhay heer inuu fulinaha la sameeyo, siiba maxkamaddaha ka sareeya sida Rafcaanka iyo Maxkamadda sare uu laaluush indho-la,aana ka qaato , isla-markaana uu dib ugu noqdo uu awood aanu lahayn isku hortaago, taas oo nabadgelyadda wax u dhimi-karta iyaduna.
Hadaba waxaan ka codasanayaa hay’daha xukuumiga ah siiba bahda garsoorka in loo gurmado cadaalada .
Si kastaba ahaadee , waxay ii sheegeen dadka dulmiga loo gaystay ama sida ay ii sheegeen ay warbaahinta u xaqiijiyeen inay is-difaaci doonan hadaan dawladu talaabo deg dega ka qaadin Gudoomiyaha Maxakamada G/Togdheer.
Gudoomiyaha Maxkamada G/Togdheer oo Gacmaha kula jira Fadeexad ku saabsan cadaalad daro iyo Dulmi aan xad lahayn. *Rag Cadaalad waayaa, Sidii Cawsha kala yaac*Ujeedada aan u adeegsaday Murtidan Abwaanka ayaa ah mid ka xog waramaysa Musuqmaasuqa, Laaluushka, iyo Cadaalad darida ku habsatay ama hadhaysay Gud.Maxkamada G/Togdheer Maxamed Jaamac Cashuur. Marka Maamulka Dawliga ah ay isa-seegayaan dadkiisa waxa lagu yaqaanaa in maamulkaasi uu marka u horaysa ka dhinto dhinaca Cadaalada, hubka loo isticmaalo in lagu burburiyo Garsoorka ayaa ah Eexda, Qabyaalda, Laaluushka iyo Musuqmaasuqa, waana ta maanta ka taagan Maxkamadda G/Togdheer.
N.B Gudoomiyaha Maxkamadda Sare.
Gudoomiye: Waxaad tahay nin huwan magacii Sharciga somaliland iyo Sharaftii Maxkamadaha iyo ta Distooriga ah ee Somalind, waxa laguu igmaday in aad ku jahayso umadda lagu dhaqanka Shariga, ka qabo Gudoomiyahaasi Maxkamadda G/Togdheer. Oo ay dadku u isticmalaan iminka NABAD ay hoos hogonayso ,
Ilaahay hakaa dhigo mid umadda nasteexeeda ka shaqeeya , oo ka bedela shaqsiyaadka umadda dhigooda ku nool.
-ILaahay ayaa Mahadleh-
Wixii dhaliil iyo ammaan ah, ku soo hagaajiya
Freelance Writer
By, Axmed Mooge Dheere
Sydney – Australia