Hargeysa (CH)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabiley Guddoomiyeyaasha Gobollada Somaliland iyo Maayarrada Magaalo-madaxyada Gobolada Dalka.
Ujeeddada kulanka ooo la xidhiidhay mid lagu xoojinayo Ammaanka iyo horumarinta adeegyada Bulshada gobollada iyo degmooyinka dalka, waxa hadallo dhiiri-gelin iyo guubaabin ah ka jeediyey Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Madaxtooyada, waxaana ugu dambayntii kulanka soo afmeeray madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Kulanka Madaxweynuhu la qaatay Badhasaabbada iyo Maayarrada dalka waxa madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Madaxtooyada Cali Maxamed Warancade iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan.
HALKAN KA DHEGAYSO