Daawo Muuqaalka Weerarkii lagu dilay Hoggaamiyihii Al-Shabaab Amiir Axmed Cabdi Godane

0
293

Hargeysa (CH)- Aqalka Pentagon-ka Maraykanaka, ayaa shaaciyey qaabkii loo fuliyey Weerarkii Maraykanku habeenimadii Isniinta ee Todobaadkii hore ku dilay Hoggaamiyihii Kooxda Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane iyo saraakiil ka tirsan ururkaas wakhti ay ku sugnaayeen deegaan ku tirsan degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose ee Soomaaliya.

Wasaaradda Gaashaan-dhigga Maraykanka, ayaa Afar maalmood ka dib xaqiijisay geerida Marxuum Axmed Cabdi Godane ka dib markii sida la sheegay laga ogaaday inuu hoggaamiyihii Al-Shabaab ku geeriyooday weerarkooda saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo khadka telefoonka gacanta isugu gudbinaya macluumaadka inuu geeriyooday Amiirkoodii iyo xubno kale oo ka tirsan hoggaanka sare ee ururka.

Sarkaal u hadlay Aqalka Pentagon-ka Maraykanka, ayaa laga soo xigtay in gaadhigii uu saarnaa Amiirkii Kooxda Al-Shabaab Axmed Godane uu saarnaa Telefoon nooca Gacanta ah (Mobile) oo bakhtiisnaa, kaas oo hagayey diyaaradda weerarka fulisay oo ahayn nooca aan Duuliyaha lahayn.

Waxa la Xaqiijiyey in Maraykanku hawl-galkaas ku bixiyey adduun Dhan 7 Milyan oo Dollar, iyada ooh ore Maraykanku lacagta intaas le’eg u ballan-qaaday cid kasta oo xog ama macluumaad ka siisa hoggaamiyaha Al-Shabaab.

HALKAN KA DAAWO