Hargeysa (CH) – Musharaxa madaxwayne-nimo ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa si qoto-dheer uga hadlay diwaangalinta maddaniga ah ee ay dhawaan wasaaradda daakhiligu shaacisay inay soo saartey liisaska goobaha ay ka qabsoomayso ee deegaanadda dalka, kaas oo sheegay inay xisbi ahaan taageersan yihiin in diwaangalinta madaniga ahi dalka ka qabsoonto, waxaanu ku taliyey in diwaangalinta codbixiyeyaasha doorashada in la soo horaysiiyo.
Jamaal Cali Xuseen ayaa waxa uu ku dooday in sida ay xukuumadda madaxwayne Siilaanyo u wado hawlaha diwaangalintu inay dhaliilo badani ka muuqdaan, isla markaana ay taasi dalka u horseedayso khalkhal, kaas oo xussay inaanay aqbalaynin khaladaadka diwaangalinta codbixiyeyaasha oo uu dareeno shaki leh ka muujiyey.
Musharaxa Madaxwaynaha ee xisbiga UCID waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu maanta ka hadlayey madaarka Hargeysa oo ay ku soo dhawaynayeen guddoomiyaha xisbigaasi Eng Faysal Cali Waraabe oo ka soo guryo noqday socdaal shaqo oo uu in mudo ah ugu maqnaa dalal dibada ah. ugu horayna isaga oo arrimahaasi ka hadlaya, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay Jamaal Cali Xuseen “Waxaanu halkan ku soo dhawaynaynaa Guddoomiyihii xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo aad wada ogtihiin inuu shaqsiyan iyo xisbi ahaanba iska xilsaaray arrimaha Somaliland oo arrimihii ay ahayd inay dawladu qabato ayuu isagu marwalba qabtaa oo uu safaro dhaadheer u galaa, waxaanu hayaa shaqadii ahayd inaynu qadiyada Somaliland aduunyada gaadhsiino oo aynu ka shaqayn lahayn sidii aynu caalamka ugu qancin lahayn arrimahaasi”.
Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaasi raaciyey “Anigu waxaan jeclahay inaan arrimahaasi ku darsado maanta arrinta Diwaangalinta oo sida aad ogtihiin dawladu waxay shaacisay in 200 oo goobood laga qabto diwaangalintii madaniga ahayd, hadii aynu dib ugu noqono diwaangalintii ugu danbaysay in ku dhaw 2 kun oo goobood ayaa dalka laga sameeyey, tusaale haddii aynu u soo qaadano goboladda Salal iyo Awdal waxay xukuumadu tidhi 25 goobood ayaa loo qoondeeyey, Magaaladda Boorama kalideed ayaa dhexdeeda la iska diwaangalinayey wakhtigaasi in ka badan 100 goobood, imika Salaxlay oo dhanbaa 5 goobood loo qoondeeyey. mida kale inay wax khaldan yihiin waxaad ku garataa ilaa imika dad oo waxgaradkii dadka ah oo beelaha Somaliland wada dega ka mid ah ayaa qaadacay diwaangalintan madaniga ah, anagu xisbi ahaan kama soo horjeedno diwaangalinta madaniga ah oo waanu taageesanahay laakiin waxa yaab ah in xukuumadii fadhiday afarta sano iyo dheeraadku in wakhtigeedii markii ugu danbaysay si ay u khalkhaliso diwaangalinta madaniga ah ay ku labto diwaangalintii cod-bixiyayaasha oo xeerkii baa durtaba la isku qasay oo la kala furfurayaa, waxaanu xukuumadda ku leenahay waar waxani idinka socon maayo oo danta dalkeena iyo dadkeenu kuma jiraane wadanka khalkhal ha galina. inagu waxaynu u baahanahay inaynu doorashada wakhtigeedii ku qabano oo aynu caalamka tusno laakiin sababaha keenay diwaangalintan ee degdega ka dhigay anagu garan mayno”. Musharaxa Madaxwaynaha xisbiga UCID Jamaal Cali Xusseen mar uu talooyin hawada u marinayey xukuumadda madaxwayne Siilaanyo, waxa hadalkiisa ka mid ahaa “Waxaanu ku talin lahayn waar aynu soo horaysiisano diwaangalinta codbixiyayaasha oo aynu hirgalino markay inoo qabsoonto aynu u dhaqaaqno diwaangalinta madaniga ah oo taagnayd afartii sano ee xukuumadani talada haysayba, waxaanan leenahay dalka khalkhalka ka daaya”.