Kooxda Al-Shabaab oo shaacisay tirada saraakiisha la geeriyootay Godane iyo Magaca Hoggaamiye Cusub oo ay caleemo-saareen

0
364

MUQDISHO (CH)- Kooxda Al-shabaab, ayaa caawa fiidnimadii si rasmi ah u xaqiijiyay inuu geeriyooday hoggaamiyahoodii, Axmed Cabdi Godane oo dhexdooda ay u yaqaaneen Sheekh Mukhtaar Cabdiraxmaan Abuu-Zubeyr, waxaanay beddelkiisa magacaabeen hoggaamiye cusub oo lagu magacaabo Axmed Cumar Abuu-Cubeyda.

ALSHABAABSida uu baahiyey telefishanka Al-Jazeera oo ay gaadhsiiyeen farriin xambaarsan xaqiijinta geerida hoggaamiyahoodii hore iyo magacaabista hoggaamiyahooda cusub, waxa ay Al-Shabaab sheegtay in saraakiisha ku geeriyootay weerarka lagu dilay Axmed Godane ay ku jireen laba abaanduule oo ka tirsnaa ciidamadooda, kadib duqeyntii Isniintii todobaadkii hore kula beegsadeen diyaaradaha Mareykanka ee aan duuliyaha lahayn deegaan ku dhow magaalada Baraawe oo ah xaruntooda ugu weyn ee ay ku leeyihiin gobolka Shabeellada Hoose.

Hoggaamiyaha cusub ee Al-shabaab, Axmed Cumar Abuu-Cubeyda, ayaan horay loo maqlin, iyaga oo farriintooda ku sheegay in mas’uulkan cusub uu hoggaamin doono howlgalladooda.

Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Dheere oo farriin uu geerida hoggaamiyahoodii hore iyo magacaabista hoggaamiyaha cusub kaga hadlay lagu baahiyey warbaahinta taageerta Al-Shabaab, waxa uu sheegay inay doorteen hoggaamiye cusub ayna sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan dowladda Soomaaliya iyo ciidamada caawinaya ee AMISOM.

Sidoo kale, bogagga internetka ee  taageera Al-shabaab waxa lagu baahiyay qoraallo Ingiriis iyo Carabi ka koobnaa oo lagu sheegay in hoggaamiyihii Al-shabaab uu geeriyooday, balse ma jirto wax faahfaahinno ah oo laga bixiyay sida uu u dhintay.   “Amiirkii Al-shabaab iyo laba abaanduule oo kale ayaa ku dhintay duqeyntii Mareykanku uu ka geystay gobolka Shabeellada Hoose,” sidaas ayay Al-Shabaab ku sheegtay farriinta uu baahiyey telefishanka Al-Jazeera.

Hadalka Al-shabaab ee ku aaddan geerida hoggaamiyahoodii, Axmed Cabdi aw-Maxamuud Godane, ayaa kusoo beegmay maalin ka dib markii dawladda Mareykanku si rasmi ah ugu dhawaaqday inay dileen hoggaamiyihii kooxdan, waxaanay tani muujinaysaa shaki laga qabo in meydka hoggaamiyaha Al-Shabaab aanu gacanta ugu jirin kooxdaas, maadaama ay xaqiijiyeen maalin ka dib markii uu Maraykanku shaaciyey dilkiisa.

CODKAHARGEYSA.COM