Helsinki (CH)- Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo hore uga digay inay halista Somalia ugu jirto inay noqoto meel ay jagada Madaxweynaha leeyihiin keliya labada reer ee Daarood iyo Hawiye, ayaa ku taliyey si taas looga badbaado in aan loo baahnayn inay Somaliland keliya yeeshaan jagadaas Beelaha Isaaq iyo Samaroon in kolba midkood qabato beesha kalena ku-xigeen u noqoto, taasoo uu sheegay inay dadka Somaliland wada degaa ku kala fogaan karaan.
Prof Samatar, ayaa sheegay in loo baahan yahay dadka reer Somaliland ee aan ahayn Samaroon iyo Isaaq inay la yimaaddaan qorshe iyo barnaamijyo siyaasadeed muujinaya kalsoonidooda, isla markaana ay ku hanan karaan hoggaaminta dalka iyaga oo aan ku laaban guryohooda oo aan deegaannada ay gaarka ugu dhasheen ka soo cabannin, kana soo dagaal-gelin, isagoo si gaar ah ula hadlayey Beelaha Bariga Somaliland dega, waxa uu u soo jeediyey inay taas la yimaaddaan, si nabadgelyo ah iyagoo aqoonta iyo dimuquraadiyadda adeegsanaya ay muujiyaan inay dalka la leeyihiin labadaas Beelood.
HALKAN KA DAAWO WARAYSIGA PROF SAMATAR OO DHAMMEYSTIRAN