Wasaaradda Beeraha Iyo Daneyayaasha Wax Soo Saarka Dalka Oo Munaasib U Sameeyey Dalag Ka Soo Go’ay Mashruuca Beerista Banka Wajaale

0
309

Tog-wajaale (CH)- Masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha, Ciidanka Qaranka iyo daneeyayaasha wax soo saarka dalka ayaa maanta ka qayb galay munaasibad lagu soo gurayey dalag ka soo go’ay Mashruuca beerista Banka Wajaale.

Sawir 6Munaasibadan ayaa waxa ka soo qayb galay Masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha Somaliland oo uu hogaaminayo Wasiirka Beeraha Faarax Cilmi Geedoole, kana mid yihiin Agaasimaha guud ee wasaaradda Beeraha C/laahi Ismaaciil Faarax, Xubno kale oo ka mid ah masuuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda Beeraha, Taliyaha Ciidanka Qaranka ee Gobolka Gabiley, xubno kale oo ka mid ah daneeyayaasha wax soo saarka Somaliland sida Ardeyda iyo khabiiro dhinaca beeraha ah.

Sawirka 1Mashruuca beerista Banka Wajaale ayaa sanadkan waxa ka soo go’ay dalagyo kala duwan oo muhiim ah bulshada, kuwaasi oo ay ugu badan yihiin labada dalag ee Digirta iyo Heedu.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ka waramay muhiimada uu wax soo saarku u leeyahay bulshada, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Wax soo saarku muhiimad weyn ayuu u leeyahay dalka oo bulsho kasta inta ay wax la soo baxdo ayaa lagu qiimeeyaa”.

Sawir 4Agaasimaha guud ee wasaaradda Beeraha C/laahi Faarax Ismaaciil oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ka hadlay mashruuca beerista Banka Wajaale, isaga oo tilmaamay muhiimada ay wasaaradda arintan u leedahay inay tahay mid aad u saraysa.

Wasaaradda Beeraha Somaliland, iyada oo kaashanaysa Ciidanka Qaranka iyo khabiirada dhinaca beeraha ku takhasusay ayaa waxa ay dalagyo kala duwan ka beertay Banka Wajaale oo ah goob ku haboon wax soo saarka, iyada oo ay sanadkana soo go’een dalagyo kala duwan oo ay ugu muhiimsan yihiin Digirta iyo Heedo oo halkaasi loogu sameeyey munaasib lagu soo goynayey.

codkahargeysa.com

info@codkahargeysa.com

Sawir 3 Sawir 2 Sawir 5