Golaha Deegaanka Magaalada OSLO ee dalka Norway oo Maanta Dood ka yeelaya Qadiyadda Madax-bannaanida Somaliland

0
340

OSLO(CH)- Golaha deegaanka ee magaaladda Oslo ee dalka Norway ayaa Arbacadda maanta  yeelanaya fadhi ay kaga doodayaan aqoonsiga Somaliland, ka dib markii dhaqdhaqaaqyo badan oo ay sameeyeen jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalkaasi.

OSLO CITY HALLXubno qurbo-joog ah oo degan magaaladda Oslo ayaa shabakadda Gudgudenews u xaqiijiyay Jiritaanka arrintaasi oo ay ku tilmaameen inay ku timid dedaal jaaliyaddu ku tallaabsatay oo xubno badan oo ka mid ah Xildhibaanadda Golaha deegaanka Oslo ay kaga dalbadeen inay  ansixiyaan mooshin ay ku aqoonsanayaan madax-banaanidda Somaliland.

Fadhigan ayaa qabsoomi doona gelinta dambe ee beri waxaana lagu wadaa inay ka qeyb galaan qaar ka mid ah jaaliyadda Somaliland ee Norway ee ka soo shaqeeyay hindisahan haddii uu midho dhalo.

Arrintan ayaa haddii ay shaaciyaan Golaha deegaanka Oslo inay aqoonsadeen Somaliland waxay noqon doontaa  magaaladii labaad ee ku yaalla Yurub ee aqoonsatay madax-banaanida Somaliland, iyadoo hore ay u ictiraafeen golaha deegaanka Sheffield ee wadanka Ingiriiska.
Codkahargeysa.com

info@codkahargeysa.com