Hargeysa (CH)-Agaasimaha guud ee wasaaradda Boosaha iyo is-gaadhsiinta Somaliland mudane Faysal Cali Sheekh Maxamed, ayaa shaaca ka qaaday in ay dhawaan dalka ka hirgelinayaan adeegii Boosaha, kaasi oo xiligan baahi weyn loo qabo.iyada oo aanu muddo badan shaqaynin adeegaasi.
Waxaanu sheegay Md. Faysal in ay ka wasaarad ahaan dadaal dheer u galeen sidii ay u soo celin lahaayeen adeega Boosaha, iyaga oo la kaashanaya qaar ka mid ah shirkadaha is-gaadhsiinta, isaga oo tilmaamay in Somaliland uu adeega Boostadu ka jiray ka hor markii ay gobanimadeedda qaatay, hase yeeshee xiligan oo la marayo wakhti casri aanu adeegaasi ka jirin.
Faysal Cali Sheekh Maxamed, Agaasimaha guud ee wasaaradda Boosaha iyo is-gaadhsiinta waxa uu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu shalay siiyay wargeyska DAWAN. Waxa kale oo uu sheegay in ay wadaan qorsheyaal ay ku horumarinayaan hawlaha ay wasaaradu masuulka ka tahay, si ay u noqoto wasaarad muhiim u ah qaranka.
Agaasimuhu isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa noo qorshaysan dhawaan oo uu ku tallo galkayagu yahay in aanu soo celino adeegii Boosta. Waxaanu ku tallo jirnaa wixii awoodayada ah in aanu samayno, wasaaraduna ay noqoto wasaaradda ugu mihiimsan marka loo eego wasaaradaha kale. Waxa jira shirkado gaar loo leeyahay oo iyaga laftooda ka wada hadli doono sidii aanu u wada shaqeyn laheyn, anagoo aan cabudhineyn shirkadaha gaarka loo leeyahay.”
Mar uu ka hadlaayay taariikhda dhinaca Boosaha ee Somliland waxa uu yidhi “1920-kii ayaynu lahayn adeega Boostadda, maanta oo aynu maryano 2014-kiina run ahaantii Boos shaqaysa ma lihin, waxaana aynu ku dedaali doona inaynu Boos sameysano.”
Agaasimaha guud waxa kale oo uu ka hadlay xarun cusub oo loo dhisay wasaaradda Boosaha oo uu sheegay in ay dhawaan ku hawl gali doonaan. waxa kale oo uu sheegay in ay dhawaan keeni doonaan qalab casri ah oo wax ka tari doona ilaalinta cashuuraha iyo isku xidhka shirkadaha telefoonada. “Dhismaha wasaaradani ku jirto waxa la dhisay sanadkii 1944-kii, meeshaasina mahaa meel lagu shaqeyn karo. Waxa noo hirgashay inaanu dhameystiro xarun aad u balaadhan oo ka kooban labaatan xafiis, kuwaas oo leh waxyaabihi looga baahnaa oo dhan. Waxa noo qorshaysan inaanu keeno qalab cusub oo dhinaca isgaadhsiinta wax lagaga qabanaayo, haday tahay cashuuraha iyo haday tahay isku xidhkaba. markaa run ahaanti hawlahaasi way noo qorshaysan yihiin.” Ayuu yidhi agaasimaha wasaaradda Boosaha.
Md. Faysal Cali Sheekh Maxamed, ayaa dar-daaran u soo jeediyay shirkadaha is-gaadhsiinta ee gaarka loo leeyahay, isaga oo tilmaamay in shirkadahaasi looga baahan yahay in ay si wanaagsan ula shaqeeyaan wasaaradda Boosaha.
“Hadaanu nahay wasaaradda Boosaha iyo Is-gaadhsiinta waxaanu leenahay shirkadaha gaarka loo leeyahay aynu wada shaqeyno, maadaama hal bawlaha dhaqaalaheenu yahay isgaadhsiinta, oo shaqaalaha ugu badanina ay ka shaqeeyaan shirkadaha isgaadhsiinta ee gaarka loo leeyahay,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud.
Codkahargeysa.com
info@codkahargeysa.com