Siilaanyo iyo Saylici oo ka Arrinsaday Waxa ay ka yeelayaan Tabashada Madax-dhaqameedka Awdal

0
331

Hargeysa (CH)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa todobaadkan kulan ay albaabadu u xidhnaayeen kaga arrinsaday jawaabta ay ka bixinayaan cabashada ay Madax dhaqameedka Gobolka Awdal ee Hargeysa ku sugani u gudbiyeen Madaxweynaha.

SIILAANYO iyo SayliciKulankan oo maalintii dorraad ku qabsoomay Qasriga Madaxtooyada oo albaabadu u xidhnaayeen, waxa goob-joog ka ahaa Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland iyo Siyaasiyiinta Beesha Samaroon kaga jirta Golayaasha qaranka ayaa lagu faaqiday qaabkii loo qancin lahaa Odayaasha, waxaana la isla qaatay in inta tabashadooda xal laga gaadhayo ay ku noqdaan Gobolkii.

Ma jiro war rasmi ah oo sheegaya in xukuumaddu wax ka fulisay qoddobadii ay soo bandhigeen Odayaashu, hase yeeshee waxay u muuqataa sida wararka Farriinnews.com ku heshay in ay Siyaasiyiinta Golayaasha kaga jira Beesha Samaroon Odayaasha ku qanciyeen in ay ka war sugaan illaa wakhti danbe.

Ma cada in ay Odayaashu ku qanceen Farriinta loo keenay iyo inkale, balse wararka qaarkood waxay sheegayaan in ay ambabax go’aansadeen isla markaana ay ka war sugi doonaan Xukuumadda maadaama oo ay cabashadoodii u gudbiyeen isla markaana xujadu saaran tahay madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa.

Dhinaca kale, Odayaal kale oo beesha Ciise ah oo Hargeysa ku sugan ayaa iyana rajaynaya jawaab ay xukuumadda ka sugayeen, taasoo ka horaysay ta beesha Awdal balse nuxur ahaan ay isku mid yihiin.

CODKAHARGEYSA.COM

INFO@CODKAHARGEYSA.COM