Shirkadda Africa Oil oo shaaca ka qaadday inay Joojisay Sahamin Shidaal oo ay ka wadday Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia

0
394

AOI_LogoSitti (CH)- Shirkadda Africa Oil ayaam, Khamiistii todobaadkii hore ku wargalisay xukuumadda Ethiopia in ay joojineyso hawlihii sahaminta shidaalka ee ay ka waday meelo ka tirsan Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Shirkadda Africa Oil, ayaa hawlo sahamin ah ka waday aagagga 7-aad iyo 8-aad ee goobo ka mid ah dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Shirkada ayaa sheegtay in kastoo Ceel Kuran-3 laga helay raad gaas iyo shidaal, in haddana hubaal aaney ahayn in keydka shidaalka iyo waliba tayaada shidaalku tahay mid ganacsi gali karta.

Warbixinta waxa lagu sheegay in 3 shirkadood ay saameyo kala duwan ku leeyihiin aagaga 7-aad iyo 8-aad ee Africa Oil baadheysay. Labada shirkadood ee kale ayaa fadhigoodu yahay dalka Britain iyo Imaaradka Carabta.

Labada aag ee shirkadu sahamineysay ayaa la xusay in ay ku kala yaalaan Ismaamulka Soomaalida Basin iyo Degmada Adhagala oo kamida gobolka Sitti  ee Ethiopia.

Ismaamulka Soomaalida ayaa horey loo xaqiijiyey in uu qani ku yahay gaaska dabiiciga ah isalamarkaana lagu tuhunsan yahay shidaal maadama u dhisamaha dhulka gobolka aad ugu eg yahay ka  gacanka Carbeed oo laga soo saaro shidaal badan.

Xaalada amaank ee gobolka ayaa ka soo resay sanadahii dambe walow ay wali jiraan iska horimaadyo aan xoog lahayn oo u dhaxeeya ciidamada dawlada iyo jabhada ONLF.

Afrika Oil si cad warbixinteeda ugu qeexday in ay u joojisay shaqadii sahaminta ee Ismaamulka Soomaalida sababo la xidhiidha dhinaca ganacsiga taas oo ka dhigan in dhaqaalaha ay galinayso goobahaas iyo keydka shidaalku aaney isu dheelitirneyn.

CODKAHARGEYSA.COM