Madaxweynaha Kililka 5aad oo Cadaadis kaga yimi Dawladda Dhexe Isu-casilay

0
365

Addis Ababa (CH)- Dawladda Federaalka ah ee Itoobiya, ayaa madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya culays ku saartay inuu iska casilo xilka, ka dib markii khilaaf soo kala dhex-galay xubnaha ugu sar-sareeya dawladda iyo saraakiil ka tirsan guddiga fulinta ee xisbiga ka taliya ismaamulka oo dacwado ka gudbiyey.

iley_abdiWararka ka soo baxay magaalada Jigjiga ee Xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa sheegay in madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi-Iley) uu qoray warqad uu isku casilay, ka dib kulamo kala duwan oo dhexmaray madax ka tirsan Xisbiga hoggaamiya Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo ay ku jiraan masuuliyiin ka tirsan dawladda Ismaamulka Soomaalida oo khilaaf ka dhexeeyo iyo masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan dawladda Federaalka Itoobiya, kuwaas oo todobaadyadii u dambeysay cadaadis ku saarey inuu xilka ka dego.

Sida ay tibaxeen warar aanu ka helay xarunta dawlad deegaanka Soomaalida ee Jigjiga, Is-casilaadda Madaxweyne Cabdi Maxamuuud Cumar ayaa soo baxday ka dib markii isaga  iyo xubnaha ka tirsan dawladda ee khilaafku ka dhexeeyo oo ay ka mid yihiin Madaxweyne ku-xigeennadiisa iyo xubno ka tirsan xisbiga ay socdaal deg-deg ah ku tagee magaalada Addis Ababa ee caasimadda Federaalka Itoobiya shalay, ka dib markii khilaafkii u dhexeeyey isaga iyo madaxda kale ee maamulkiisu cirka isku sii shareeray markii hor-joogsaday inuu qabsoomo shirka Golaha Dhexe ee xisbiga Ismaamulka Soomaalida, isaga oo ka cabsi-qabay in xilka laga qaado.

Haseyeeshee, Mr Iley ayey wararku sheegayaan inuu go’aansaday inuu waraqdda istiqaaladda dhiibo ka hor intaanay xubnaha Xisbigiisu sharafta kaga xayuubin meel fagaare ah, sidaa darteed ayaa la sheegayaa inay Dawladda dhexe ugu yeedhay Mr Iley iyo saraakiil kale oo ka tirsan maamulka Kililka 5aad, lamana garanayo waxa ka soo bixi doona Dawladda dhexe inuu noqon doono inay meesha ka eryaan iyo inay siiyaan duruus hor leh oo uu ku shaqayn doono meeshana uu sii joogi dooni inta ka horeysay doorashada Kiilka dhawaan ka dhici doonta.

Cabdi Iley ayaa lagu tilmaamaa inuu ahaa ninkii ugu waxqabadka fiicnaa maamulladii soo maray Kilil-ka 5aad ee isaga ka horeeyey tan iyo wixii ka dambeeyey markii ay meesha ka baxday Dawladii Mingiste ee dhergiga ahyad taas oo cadaadis badan ku haysay umadda Somalida ah ee dalka Itoobiya.

Dawladda dhexe ee Itoobiya ayaa kalsooni badan ku qabtay Cabdi Iley waxaana la sheegay inuu kalsoonidaa kaga Kasbaday Dawladda Addis Ababa sidii baaxadda lahayd ee uu Tolkii seefta u mariyey taas oo ay wararku sheegayaan inaanay Dawladda dhexe kahelin Madaxweyne-yaashii Kilillka soo maray oo dhan wixii ay ka heshay Mr Ilay oo ahaa inuu cagta mariyey kooxihii mucaaradka ku ahaa Itoobiya ee ONLF kuwaas oo uu si weyn u kala daadiyey isaga oo sida xagga sare ku xusan qaarkood dhagta dhiiga u daray halka uu qaarkalena siyaasad ahaan ku soo xero galiyey taas oo maamulka Addis Ababa ka dabcisay xumadii casida ku haysay ee kooxaha ONLF-tu ku hayeen.