Hargeysa (CH)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa guddi gaar ah u xil-saaray tabasho xambaarsan saluug ay xukuumaddiisa ka muujiyeen oo madax-dhaqameedka iyo wax-garadka Awdal u gudbiyeen, taas oo ku salaysan nidaamka xagga saami qaybsiga Beelaha ee hay’adaha dawladda oo Beesha gobolka Awdal Saluugsan tahay.
Ma jiro war arrintan ku saabsan oo si toos ah uga yimi ama uu u shaaciyey madaxweynuhu, haseyeeshee ilo-wareedyo si dhow ula socda, ayaa shabakadda CODKAHARGEYSA.COM u xaqiijiyey in magacaabista guddigani ka soo baxday Kulan maanta dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo Siyaasiyiin u dhalatay gobollada Awdal iyo Selal, ayaa lagaga hadlay sidii xal loogu heli lahaa tabashada Beelaha Samaroon ka tirsanayaan xukuumadda, waxaanu kulankaas ka dib madaxweynuhu xal u helista arrintaas guddi ugu saaray wasiirro ka tirsan Xukuumadda oo ay ka mid yihiin Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale, wasiirka Beeraha Prof Faarax Geedoole, Wasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Gaashaan-dhigga Axmed Cali Cadami.
Madax-dhaqameed isugu jiraa Salaadiin, Cuqaal ka tirsan Beelaha gobollada Awdal iyo Selal, ayaa madaxweyne Siilaanyo u gudbiyey qoraal 11 bog ka kooban oo lagu soo min-guuriyey tabashooyinka ay ka tirsanayaan Saami-qaybsiga ay dawladda ku leeyihiin, iyaga oo is-barbardhig ku sameeyey saamiga ay xukuumadda ku leeyihiin beelaha darafyada ee ay ka mid yihiin iyo Beesha dhexe ee madaxweynuhu ka soo jeedo oo sida ay qoraalkooda ku xuseen “Wada qaatay boosaska ugu muhiimsan iyo ilaha dhaqaalaha dawladda”.
Guddiga madaxweyne Siilaanyo u saaray xal u helidda tabashada beesha Samaroon, ayaa ka dambeeyey kulan si gaar ah dhexmaray isaga iyo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo ka soo jeeda Beesha tabashada gudbisay, waxaanay labada masuul ka wada-hadleen qaabkii ay ku wejahi lahaayeen ka-jawaabista tabashada Beesha Awdal.
CODKAHARGEYSA.COM
INFO@CODKAHARGEYSA.COM