“Hebel baan ahay oo ina Heblaayaa i dhashay ee maanad igaranayn socon mayso, waxa soconaysa mee kaadhkaagii”

0
343

warancadeHargeysa (CH)- Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa soo bandhigtay Qalab loogu talo-galay diiwaangelinta Muwaadiniinta oo la filayo inay dalka ka qabsoonto badhtamaha bishan, waxaana todobaadyada soo socda gobollada dalka la wada-gaadhsiin doonaa agabka lagu qabanayo diiwaangelinta, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde.

Wasiir Waran-cadde oo warbaahinta kula hadlay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ay ka socoto hawsha diyaarinta Agabka diiwaangelinta ee look ala dirayo gobollada, ayaa shacabka ugu baaqay inay si mug leh uga qayb-qaataan qaadashada Kaadhka Aqoonsiga Muwaadiniinta. 

CodkaHargeysa.com/Hargeysa