Hargeysa (CH)- Hay’adda Shaqaalaha dawladda ee Somaliland, ayaa Agaasimayaasha guud ee Hay’adaha Dawliga ah Kulan lagu gorfaynayey sidii dibu-habayn loogu samayn lahaa Shaqaalaha kala duwan ee dawladda.
Kulankaas oo lagu qabtay Xarunta Hay’adda Shaqaalaha, ayaa waxa soo qaban-qaabisay Hay’adda Shaqaalaha dawladda ee Somaliland, waxaana ujeeddadiisu ahayd sidii Saraakiisha sarsare ee Xukuumadda ka tirsan Fikirkooda uga dhiiban lahaayeen Dardargelin iyo Hufid lagu sameeyo Shaqaalaha dawladda iyo Waddooyinka loo marayo dib-u-habaynta Shaqaalaha.
Waxa Kulankaas ka soo qayb-galay inta badan Agaasimayaasha guud ee Hay’adaha dawladda iyo weliba Madax ka socotay Hay’adaha Madaxa-bannaan ee dawladda, waxaana sidoo kale goob-joog ka ahaa Wakiil sare oo ka socday Ha’yadda UNDP oo isaguna talooyin halkaas ka dhiibtay.
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland Nuux Sheekh Muuse Ducaale oo furitaankii kulankaas ka hadlay, ayaa sheegay in sababaha dib-u-habaynta loo samaynayaa ay kaw ka tahay sidii looga dhabayn lahaa dhawaaqii Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) dhammaadkii sannadkii 2010-kii kaga dhawaaqay in shaqaalaha dawladda lagu samayn doono dibu-habayn.
Nuux Sheekh Muuse Ducale, waxa uu Agaasimayaasha iyo Madaxdii halkaas isugu timi u sheegay in looga baahan yahay inay ka qayb-qaataan hannaanka ugu fiican oo loo samayn karo dib-u-habaynta Shaqaalaha kala duwan ee dawladda.
Guddoomiye Nuux waxa uu ku adkeeyey Agaasimayaasha guud ee Hay’adaha in si hufan u soo bandhigaan wixii aqoon iyo karti ah ee u leeyihiin samaynta dib-u-habaynta Shaqaalaha dawladda, isagoo ku boorriyey inay Aqoontooda uga Faa’iideeyaan Shaqaalahooda kasii hooseeya ee Awaamiirtooda ku shaqeeya.
Waxa halkaas lagu soo bandhigay Casharro kala duwan oo lagu muujinayey nidaamyada kala duwan ee loo samayn karo dibu-habaynta shaqaalaha, kuwaasoo ay soo jeediyeen Khubaro takhasus dheer u leh hawlaha Shaqaalaha iyo sida loo horumariyo.
Madaxdii kala duwanayd ee Halkaas isku weydaarsanayey Aqoontooda, ayaa soo bandhigay Siyaabo kala duwan oo shaqaalaha loo horumarin karo, waxaana Guddida gaarka ah ee Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay isku-dubba-ridka iyo horumarinta arrimaha Shaqaaluhu sheegeen inay qaadanayaan Talooyinka ka yimi Agaasimayaasha iyo aragtiyahoodaba.
Kulankan oo keliya hal maalin inuu socdo loogu talo-galay, ayaa kusoo gunaanadmay jewi habboon, iyadoo dhinacyadii ka qaybgalay ku ballameen in baahi weyn loo qabo horumarinta iyo dibu-habaynta Shaqaalaha dawladda Somaliland.
Hay’adda Shaqaalaha dawladda, ayaa iyadu ballan-qaadday inay horumar iyo dibu-habayn la taaban karo ku samayn doonto shaqaalaha dawladda, isla-markaana qaadi doonto tallaabooyin loo baahan yahay oo ay Agaasimayaasha guud talo ahaan u soo jeediyeen.
Waxaanay Masuuliyiinta Hay’adda Shaqaaluhu in kulankan ahaa kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee dalka gudihiisa loogu qabto Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee dawladda muddo afar sano ah, iyagoo ballan-qaaday inay ka midho-dhalin doonaan hirgelinta kuwo kale oo kan la mid ah iyo qaar ka sii wacan-ba, si loo gaadho himilada horumarinta shaqaalaha dawladda ee ay Masuulka ka tahay iyo tayaynta.
codkahargeysa.com