Hargeysa (CH)- Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa ka hadlay go’aan Madaxweyne Siilaanyo ku amray in la soo xulo beddelkooda kadib muddo-xilkeedoodii muddada shanta sanno ahayd oo ku eeg dabayaaqada bisha soo socota ee October 2014.
Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Md. Maxamed Axmed Xirsi Geelle, ayaa sheegay in xal-u-helida dhammaadka muddo-xileedkoodu ahayd arrin loo baahnaa oo hore dhinacyada ay khusaysaa uga wadahadleen, basle waxa uu meesha ka saaray in iyaga la gaadhsiiyey digreeto madaxweynuhu ku kala dirayo xubnahooda.
“Xil kasta oo qaran waxa uu leeyahay muddo, taas oo uu komishanka doorashooyinkuna ka mid yahay, waxaana la doortay shan sanno inaanu hayno xilka, iyadoo muddadii xilkayagu ku eegyahay bisha Octobar ee soo socota 29keeda. Sidaad la socotaan kala dirista komishanka doorashooyinku waxa uu ku soo hagaagay xillo ay socoto hawl culus oo adag oo uu komishanka doorashooyinku gacanta ku hayo, oo ah diiwaangelintii cod-bixiyayaasha iyo doorashooyinkii oo loo sii diyaar garoobayo.”
“Markii la arkay waqtigii oo dhammaaday, talada guud ee asxaabta mucaaradka, xukuumadda iyo qadhaan-bixiyayaashuba ay is waydiiyeen waxay ahayd in komishan la magacaabo ama iyagaba la daayo, taas oo markii dambe go’aan Madaxwaynaha Somaliland ka gaadhay, markaas warqadda uu madaxwaynuhu soo saaray ee uu u qoray dadkii soo magacaabayey komishanka ayey ahayd, laakiin annaga warqad nalagu kala diray ma jirto habayaraatee,” ayuu yidhi Md. Maxamed Axmed Xirsi Geelle oo soo saaray qoraal uu arrintan kaga hadlayey.
Guddoomiye Geelle waxa uu xusay in ay bannaan tahay magacaabista xubno cusub oo iyaga lagu beddelayo iyo inay iyaga dib loo soo celiyaba, waxaannu yidhi, “Komishanka sida uu xeerkeennu hadda uu yahay waxa Madaxwaynuhu magacaabaa saddex xubnood, laba waxa magacaaba Guurtida, halka labada kale labada xisbi mucaarad mid waliba xubin uu soo magacaabo. Markaas warqadda uu Madaxwaynuhu qoray sidaas ayey tahay, waanay bannaan tahay in komishankii hore la soo celiyo iyo in mid cusub hadda la keeno.”
Waxa kale oo Guddoomiyuhu waraysi uu siiyey laanta Afka Soomaaliga ee idaacadda VOA-da ku sheegay inay xilka sii haynayaan ilaa inta cid kale lagu beddelayo, isla markaana ay sii libinlaabayaan shaqadooda, “Annagu shaqada waanu sii wadanynaa maadaama aannu weli xilka hayno, wixii komishanka dambe qaban lahaa waanu sii wadaynaa, sababtoo ah haddii la iska daayo dib-u-dhac ayaa imanaya. Toddobaadkii hore waxaannu ka nimi magaalada Addis Ababa oo aannu kula kulmaynay hay’adaha caalamiga ah ee inala shaqeeya, annagoo sii dhigaynay qorshaha Komishan ahaan lagu shaqaynayo haddii xubnahan Komishanku ee haddu sii joogaan iyo haddii la beddelaba, waayo arrintu cidda meesha joogta maaha ee waa hawsha taal oo muhiim ah. Waxa kale oo noo qorshaysay in xubnaha komishanku safar ugu kala baxno gobollada dalka oo aannu soo qiimayno goobaha ay ka dhici doonaan diiwaangelinta iyo doorashooyinku. Markaa meesha waan ka tagayaa ee maxaa iga galay ma taalo ee hawl-maalmeedkayaga si ka badan sidii horeba ayaanu u sii wadaynaa ilaa komishankan la soo celiyo ama ciddii cusub ee loo magacaabo aannu ku wareejinno,” ayuu yidhi Guddoomiye Geelle.
Ugu dambayntii, mar la waydiiyey su’aal ahayd in labada doorasho ee madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada mar la wada qaban karo sidii hore Baarlamanku ku ansixiyey in ay habboontahay kala qaadistoodu, waxa uu ku jawaabay, “Way wada qabsoomi karaan haddii go’aanka sidaasi lagu daysto, xilliga doorasho ee Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada labaduba waxay ku eegyihiin bisha June ee 2015, markaa qorshaha komishanku waxa weeye muddadaas ayaanu ku talogalaynaa. Waa la kala qaadayaa labada doorasho iyo waa la isku darayaa midna annaga go’aankayga maaha, laakiin annaga qorshahayagu waa ku-talogalkayagu waa in labadaa doorasho inagu soo socdaan uun, wixii go’aan ah ee kaa ka duwan waxa la isla qaadan doona daneeyayaasha.”
codkahargeysa.com