Dawladda Soomaaliya iyo Kooxda Al-Shabaab oo siyaabo kala duwan uga hadlay Weerar lagu hoobtay oo maanta ka dhacay Muqdisho

0
366

Muqdisho (CH)- Dawladda Soomaaliya iyo Ururka Al-shabaab, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay khasaaraha ka dhashay weerar iyo qaraxyo lagu qaaday xarunta xabsiga Godka Jilicow ee magaalada Muqdisho maanta.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in weerarkaas ay ku dhinteen 3 askari oo ciidanka nabad-sugida ka tirsan iyo laba qof oo rayidka, isla markaana la dilay 7 Al-shabaab ka mid ah oo weerarka qaaday, iyadoo Ururka Al-shabaab-na dhinacooda sheegteen inay weerarkaas ku dileen 15 xubnood ee ciidanka nabad-sugida Soomaaliya ka mid ah.

weerarAfhayeenka dhinaca hawlgalada ee ururka Al-shabaab Sheekh Cabdicasiis Abu Muscab, ayaa saxaafadda u sheegay in dagaalyahankoodu gudaha u galeen xabsiga Godka Jilicow, khasaarena gaadhsiiyeen ciidanka nabad-sugida Soomaaliya, isagoo ku hanjabay inay sii xoojin doonaan weerarada iyo hawlgalada noocan ah.

Dhinaca kale, qoraal ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, ayaa lagu sheegay weerarakaAl-shabaab ku qaaday xabsiga Jilicow uu guul-darro ku dhammaaday, isla markaana ciidankoodu iska difaaceen dagaalyahannada weerarka qaraxyada ah ku qaaday.

Ciidamada amniga ayaa xaqiijiyay inay weerarkan ka qeybqaateen 7 xubnood oo dhammaantood lagu dilay isla goobtii dagaalku ka dhacay. Sidoo kale, waxay ciidammada amniga iyo ilaalada xabisga Jilicow caddeeyeen in weerarkan fashilmay ahaa mid nabad-diidku ku doonayeen inay xabsiga kala baxaan qaar ka mid ah Al-shabaab oo maxkamaddi xukun ku riday, kuna jira xabsiga.

Waxa kaloo dawladdu sheegay in shan ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab ee weerarka fuliyey ku labbisnaayeen dirayska ciidanka Nabad-sugida, kuwaasoo xabsiga ku weeraray laba baabuur oo walxaha qarxaha ku xidhan yihiin.

Dowladda Soomaaliya, ayaa sidoo kale sheegtay inay bogaadinayso ciidankooda amniga oo ay ku tilmaameen inuu sameeyey horumar wax-ku-ool ah, iyagoo tacsi u diray ehelka dadka ku dhintay weerarka Al-shabaab ku qaaday xabsiga Godka Jilicow ee Gobolka Bannaadir.

Weerarka Al-shabaab ku qaaday xabsiga Godka Jilicow oo amnigiisa si xooggan loo ilaaliyo, ayaa ka dambeeyey, kadib markii ciidanka AMISOM iyo kuwa Soomaaliya la wareegeen degaanka  Buulo-madheedh oo illaa 120km dhinaca koonfur galbeed kaga ka xigta magaalada Muqdisho, halkaasoo muddo badan kooxda Al-shabaab ka tallinaysay.

Al-shabaab ayaa la sheegay inay aanay ka fogeyn deegaanka, iyadoo xalay madaafiic ay ku weeraray fariisimaha ciidamada dowladda iyo AMISOM ay ka sameysteen deegaanka Buulo-mareer, inkastoo aan weli la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose Mr. Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Siidii) iyo Taliyaha Ciidammada AMISOM Shabeellooyinka iyo Bannaadir Mr. Dick Olum, ayaa dadweyne fara badan kula hadlay fagaare ah oo ku yaal badhtamaha Buulo-madheedh, kuwaasoo dadka ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidammada, qaybna ka qaataan ilaalinta amniga degaankooda.

Saraakiisha AMISOM, ayaa sheegay in qorshahooda weyn yahay sidii ay ula wareegi lahaayeen degmada Baraawe oo ah xarunta ugu weyn ee saldhiga u ah ururka Al-shabaab, iyadoo qiyaastii ilaa 80 km u jirta deegaanka Buulo-madheedh ee ay gacanta ku dhigeen maalintii Sabtidii.

codkahargeysa.com