Wasiir xukuumadda Siilaanyo ka tirsan oo dirqi kaga badbaaday Codka Kalsoonida Mudaneyaasha Golaha Wakiillada

0
420

Cali-XaamudHargeysa (CH)- Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi-baadhista iyo Tignoolojiyada ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cali Xaamud Jibriil, ayaa faro cidiyahood kaga badbaaday inuu waayo kalsoonida mudanayaasha Golaha Wakiillada.

Md. Cali Xaamud Jibriil oo Golaha Wakiillada hortagay si loo ansixiyo, waxa uu dirqi kaga badbaaday inuu waayo ansixinta golaha, kadib markii xildhibaannada fadhigaas goob-jooga ka ahaa diideen inay codka kalsoonida siiyaan, kuwaasoo 20 mudane oo ka mid ah ka aamuseen.

Fadhiga oo uu shir-guddoominayey Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee Golaha Wakiillada Md. Baashe Maxamed Faarax, kana qaybgaleen 45 xildhibaan oo ka mid ah 82-ka mudane ee goluhu ka kooban yahay, ayaa markii Xoghayuhu u akhriyey golaha taariikhda waxbarasho (CV) ee Wasiir Cali Xaamud, waxa halkaasi ka dhashay buuq iyo sawaxan ka dhashay mudanayaal saluugay wasiirka oo doonayey in aan loo codayn iyo kuwo kale oo taageersanaa ansixintiisa.

Haseyeeshee, cod-qaadis gacan-taag ah oo uu soo jeediyey Guddoomiye Baashe in kalsoonida loogu qaado wasiirka cusub, ayaa muujisay in aqlabiyadda mudanayaasha fadhiga xaadirka ku ahaa ka soo horjeedaan Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo Cilmi-baadhista, inkasta oo uu ku ansaxay tiro yar oo ogolaatay.

Natiijada codbixinta oo uu ku dhawaaqay guddoomiyaha fadhigu, waxa ansixinta wasiirka ogolaaday 19 xildhibaan, 5 kale way diideen, halka tirada ugu badan oo ahayd 20 mudane ka aamuseen codayntiisa, iyadoo Guddoomiye Baashe aannu codayn. Sidaa darteedna, waxa uu ku meelmaray tiro kooban xildhibaanno ah iyo inta badan oo dhabarka u jeedisay, iyadoo marka la isku daro tirrada mudanayaasha ka aamusay iyo kuwa diiday ay ka badan yihiin xildhibaannada u codeeyey ansixinta wasiirka, balse, waxa uu ku badbaaday 19 mudanye ee ansixiyey, maadaama 20 xildhibaan ee ka aamusay aanay aan diidmo iyo ogolaansho midna lagu tiring.

Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Md. Cali Xaamud Jibriil waa nin dhallinyo qurba joog ah, kana mid ah dadka xisbiyahanka ah ee ka tirsan xisbiga talada haya ee KULMIYE.