“Ka soo baxa SAAXDHEER waa maamul goboleed Somalia ahe wax la qaadan karo maaha, haDdii Madaxwayne Silanyo aqbalona waa KHIYAAMO QARAN”

0
422

guray11112Hargeysa (CH)- Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID Mujaahid Cali Guray ayaa dhawaaqa Reer galbeedka ee ku aaddan in Somaliland ciidankeeda kala soo baxdo Saax-dheer ku tilmaamay mid layska yidhi oo aan xaq loogu lahayn, isaga oo ku dooday in in Amaanka degaankaasi oo xumaadaa saamayn ku leeyahay Itoobiya iyo geeska Africa ba.

Guddoomiye ku-xigeena saddexaad ee UCID, waxa uu arrimahan iyo kuwa kale kaga hadlay qoraal uu ku baahiyey bogga uu ku leeyahay Facebook-ga.

“Ka soo baxa SAAXDHEER waa maamul goboleed Somalia ahe wax la qaadan karo maaha, haDdii Madaxwayne Silanyo aqbalona waa KHIYAAMO QARAN (High Treason). Waxa aynu ummad ahaan xaq u leenahay Maraykan iyo Ingiriis iyo Qaramada Midoobay iyo cid kale midna in aynu uga tanaasulo maaha. Hadii xukuumaddu aqbasho ka soo bixitaanka Saaxdheer waxay taa micnaheedu tahay in aynaan xaq u lahayn hadii aynaan xaq u lahayna Laascaanoodna markaa xaq uma lihin ee ha laga soo saaro ciidamada miyaa?” ayuu yidhi Cali Guray

Cali Guray oo ka hadlaya Saamaynta Amaan daro ka dhalata Somaliland ku yeelanayso Geeskak Africa waxa uu yidhi “Waxa muhiim ah mawqifka Itoobiya, hadii aanu farogelinba ahayn ee maamul goboleedka Khaatmo State ee Somalia in laga dhex dhiso Somaliland. Itoobiya waa in loo cadeeyo in mucaarid la taageeraa uu mucaarid la taageero leeyahay. Hadii nabadgelyada Somaliland wiiqantona ta Itoobiyana way wiiqmi xasiloonida Geeska Africa na way khalhkali doonta, taasina nabadiid mooyee nabadoon dan uma aha.”

Cali Guray waxa uu sheegay in Beesha Degta degaanada Bariga Somaliland tahay Umad reer Somaliland ah islamarkaana Garoowe iyo Xamar ay ku yihiin Marti balse aanay Hargeysa Marti ku ahayn.waxa uu sheegay inuu taageersan yahay hanaan kasta oo nabadeed oo tabashadooda lagu dhamaynayo.

Waxa uu Cali Guray Dhaliilay Siyaasadda Xukumadda ee ku wajahan Degaamada Bariga, isagoo sheegay inuu qirayo Dedaalka Wasiirka Caafimaadka Mr Saleebaan Xaglotoosiye.

 “ COLAAD HURGUMOOTAY

U SII HARGAGAAFKA

HELAYSADA DHIIGU

MARKUU HELELAYDA

SIDII HARAWAATI

HAMUUN TIRO CIIDA

DAGAAL LAGU HOOBTA

HALYEY KA KU IDLAADAY

KA SOO HIDIWAASKA”