Taliye Shaqale oo ka hadlay Hawl-gal Ciidanka Qaranku kula Wareegeen SAAX-DHEER iyo Khasaaraha Dagaal dhexmaray Maleeshiyaad Cali Khaliif oo Feked ku galay Itoobiya

0
365

Taliye SHAQALLESaax-dheer (CH)- Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa saaka ku waabariistay magaalada Saax-dheer ee gobolka Sool oo muddooyinkii u dambeeyay fadhiisin u ahayd Kooxda Cali Khaliif, waxaanay ciidamadu si rasmi ula wareegeen gacan-ku-haynta magaalada.

Taliyaha guud ee ciidanka milateriga Somaliland sareeye gaas Ismaaciil Shaqalle, ayaa sheegay in saaka hawlgal ay sameeyeen ciidamadiisu ay kula wareegeen magaalada Saax-Dheer iyo hareeraheedaba, sida uu u sheegay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da oo uu la hadlay.

Hawl-galka Ciidamadu saaka fuliyeen ayaa ka dambeeyey ka dib markii duleedka tuulada Saax-dheer dagaal ku dhexmaray ciidanka Qaranka iyo malleeshiyaad maanta laga saaray Saax-dheer.

Dhowr diyaaradood oo ay saaran yihiin Wufuud isagu jirta siyaasiyiin, Xildhibaan, madax-dhaqameed ka kala tagay magaalooyinka Muqdisho, Nairobi iyo Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa shalay ka degay magaalooyinka Buuhoodle iyo Saax-dheer, kuwaas oo doonayey inay ka qayb-galaan munaasibadda Caleemo-saarka Cali Khaliif Galeydh oo shir-beeleed ku qabsoomay Saax-dheer loogu doortay inuu noqdo hoggaamiyaha Siyaasadeed ee Kooxda la baxday Khaatumo.

DHEGAYSO CODKA TALIYAHA