“Shacbigan masaakiinta ah nin qooqan oo doobinaya ka aqbali maayo fowdo” – Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi

0
391

Hargeysa (CH)- Suldaanka Guud ee Beel-weynta Subeer-Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa ka hadlay khilaafaadka murannada siyaasadeed dalka ka abuura ee u dhexeeya xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ah, waxaanu si gaar ah uga hadlay muranka dhinaca doorashooyinka iyo sidoo kale dhammaystirka shuruucda loogu gogol-xaadhayo inay dalka ka qabsoomaan doorashooyinka.

suldaan xasanSuldaanka waxa ka hadlay diyaar-garowga doorashooyinka iyo sidoo kale muddo-dhammaadka guddiga doorashooyinka, waxaanu ka digay khilaaf hore leh oo xurgufta siyaasadeed ee mucaaradka iyo xukuumaddu ka dhex-abuuraan shacabka.  

“Komishanka Qaranka wakhtigiisu markuu dhammaado, waxay ka iman yihiin hay’ado soo magacaaba, haddii wax laga tabanayo baarlamaanbaa jira oo ay tahay masuuliyaddiisa in mashruuc sharci la soo sameeyo, haddii xeerkii hore wax laga beddelayo iyo haddii kaleba. Wax bisil inaan doorashooyinkaas ku gaadhno ayaa muhiim ah. Haddiibase iyada oo timaha sidaas laysku jiidanayo lagu gaadho, diiwaan-gelintuna aanay diyaar ahayn, shacbigu cidna ka aqbali maayo fawdo, shacbigan masaakiinta ah ee Illaahay marka horeba u gar-gaarayey, nin qooqan oo doobinaya ka aqbali maayo; ku sharci-darraan ku haysanayaa yidhaahda iyo ku sharci-darraan ku qabsanayaa midna shacbigani waa ka il-baxay. Nin waliba awdaalladiisa, shaqooyinkiisa iyo qoyskiisa ayuu ka fekerayaa,” ayuu yidhi Suldaan Xasan oo u warramay Radio Hilaac.

Suldaanku waxa uu xukuumadda iyo Axsaabta Mucaaradka u soo jeediyey in aanay shacabka ku wareerin murannadooda sharci, balse looga baahan yahay siyaasad iyo nidaam-hoggaamineed oo wax-tar u yeeshay aayahay umadda.

“Caqliyadbaa hoggaanka lagu ogaa hadduu mid soo socda yahay ama mid jooga yahayba. Caqliyadda lagu ogaa waxay ahayd, waxay umadda u samaynayeen gidaar aan la dhaafi karayn. Waxaanu arkaynaa inaan wax horumar ah laga gaadhayn xaggii siyaasaddii. Muranka ma-dhalayska ahi waxba ma taro, nidaamka dawladeed ayaa wax-tar leh. Hadduu mucaaradku yidhaahdo halkaasaanu wax ka tabanaynaa, waxaasi cidday ku arooraysaa waa inay ka shaqaysaa hadday xeer-dejinta tahay. Xukuumadda laftigeedu iyadaa ugu war-war badan oo dalku bilaa dawlad ku dhici maayee, waxa loo baahan yahay inay iyadu fududayso wixii looga baahnaa,” ayuu yidhi Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan.

CODKAHARGEYSA.COM

INFO@CODKAHARGEYSA.COM