Hargeysa (CH)- Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ka war bixiyay shir ay beeshisu ku qabsanayso magaalada Xiingalool ee gobolka Sanaag oo ay xukuumaddu shaki ka muujisay isla markaana hore Wasiirro Xukuumadda ka tirsani u sheegeen in aanu ahayn shir beeleed la isku ogaaa ama laga wada ashaday iyagoo ku tilmaamay in ay ka soo bixi karaan wax aan dan u ahayn Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Gashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo maanta war baahina kula hadlay xafiiskiisa magaalada Hargeysa ayaa sidaa sawir ka duwan ka bixiyay shirka ay qababn qaabadiisu ka socoto magaalada Xiingalool ee u furmaya beeshiisa,waxaanu sheegay in shirkaasi uu yahay mid dhaqan oo beeleed isla markaana beeshu kaga wada hadlayso arrimo dhaqan,waxaanu meesha ka saaray in shiraa ay ka soo bixi karan wax lid ku ah Somaliland.
DHEGAYSO