Hargeysa (CH)- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii u horeysay si faahfaahsan uga hadashay booqashadii Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, Nicholas Kay, uu dhowaan ku yimi dalka, waxaanay meesha ka saartay inay ka wada-hadleen arrimaha siyaasadeed ee Xafiiskiisu Qaramada ugu qaabilsan yahay Soomaaliya.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland todobaad ka dib markii uu Nicholas Kay booqashadiisa ku yimi dalka, waxa ay xukuumaddu sheegtay in aanay jirin arrimo Siyaasadeed oo ay kala hadashay danjire Nicholas Kay oo masuul ka ah xafiiska UNSOM oo dejiya siyaasaddda iyo kaalmooyinka bani’aadanimo ee hay’adaha Qaramada Midoobay ka fuliyaan Somaliland iyo Soomaaliya.
Waxa war-saxaafadeedka lagu sheegay xukuumaddu in aanay kala hadal danjire Nicholas Kay inuu Somaliland ka furto Xafiiskiisa UNSOM oo xaruntiisu tahay magaalada Muqdisho.
War-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa u qornaa sidan: “Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Jamciyada Quruumaha ka dhexaysa, Nicholas Kay,ayaa booqasho lagu martiqaaday ku yimi Somaliland todobaadkii la soo dhaafay, casuumadaasoo uu u fidiyey Wasiirka Arrimaha Debedda ee Somaliland, Mudane Maxamed Biixii Yoonis. Sababta martiqaadka ayaa ku salaysanyd in bog cusub loo furo xidhiidhka Somaliland ay la leedahay Jamciyada Quruumaha ka dhexysa(UN).
Somaliland waxay Wakiilka gaarka ee Xoghayaha Guud ee Jamciyada Quruumaha ka dhexaysa kala hadashay arrimaha horumarinta, baniaadamnimada iyo qodobo kale, mana jirin wax la xidhiidha siyaasada Somalia oo Somaliland kala xaajootay Kay, sida niidaamka Federaaliga ah ee Somalia,Taas oo aan ahayn arrinta u taala Jamhuuriyada Somaliland. Waxay kaloo Wasaarada Arrimaha Debedda ee Somaliland cadaynaysaa , in aan Nicholas Kay lagala hadlay, haba yaraatee, in hayadiisu xafiis ka furanayso Somaliland.
Labada geedoodba waxay ku niyadsan yihiin in booqashadaasi furi doonto socdaalo kale oo ay Nicholas Kay iyo asxaabtiisa UN ku yimaadaan Somaliland. Intii uu Hargeisa joogay, KIay, wuxuu la kulmay Wasiiro xukuumada ka tirsan, wakiilada Baarlamaanka, Bulshada Rayidka ah, dad ka socda Gobolada Bari iyo xubno axsaabta mucaaradka ka tirsan.
Nicholas Kay, wuxuu xukuumada Somaliland u xaqiijiyey in xafiiskiisu uu si buuxda ugala shaqaynaayo Somaliland xaga nabada iyo horumarinta, iyadoo diirada la saaraaayo qodobada horumarinta iyo amaanka. Nicholas Kay iyo wefdigiisii waxa warbixino kooban laga siiyey meelaha ay Somaliland wax-qabadka uga baahan tahay iyo in la carifo lana tilmaamo horumarka weyn ee muuqda oo ay Somaliland meelo badan ka gaadhay, taas oo ay ka mid tahay nabada iyo amaanka,” sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Siciid Cali Muuse.
CODKAHARGEYSA.COM
INFO@CODKAHARGEYSA.COM