Hargeysa (CH)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay weheliso Marwo Aamina-waris Maxamed Jirde, ayaa Safar kedis ah oo aan hore loo sii shaacin galabta ugu ambabaxay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil. Ma jiro War rasmi ah oo ay Madaxtooyadu ka soo saartay ujeeddada socdaalka kediska ah ee uu Madaxweyne Siilaanyo galabta ku tegay magaalada Berbera, hase-yeeshee, ila-wareedyo ka agdhaw Madaxtooyada Somaliland, ayaa Aftahannews u xaqiijiyey in Madaxweynaha oo ay weheliso Marwadiisa Aamina-waris Sheekh Muxumed Jirde, galabta u kicitimeen magaalada Berbera. Safarkan kediska ah ee Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo galabta ugu baxay Berbera, ayaa u muuqda mid xumad-jebin u ah is-faham-waa iyo khilaaf kooban oo ka dhashay kulan gelinkii hore ee maanta uu la yeeshay Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Eng. Faysal Cali Waraabe.
Home Wararkii u Dambeeyey Ujeeddada Socdaal aan hore loo sii shaacin oo Madaxweyne Siilaanyo galabta ku...