Kinshasa (CH)- Xannuun noociisa la garan-waayey, ayaa 13 qof ku dilay deegaamada Woqooyi-galbeedka waddanka Congo oo ku yaala Badhtamaha Qaaradda Afrika, sida uu sheegay wasiirka Caafimaadka ee dalkaas.
Cudurka ay dadku u dhinteen oo aan ilaa hadda la aqoonsan noociisa isla markaana astaamihiisu u egyihiin Cudurka Ebola ee faraha baas ku haya Galbeedka qaaradda, ayaa saamayntiisa laga dareemay waddankaas ilaa 11-kii bishan, waxaana laga cabsi qabaa inuu ku fido waddamada kale ee ku yaala.
“13-ka Qof ee xannuunka u dhintay waxay haystay xummad aad ah, shuban, matag aan kala go’ lahayn oo qofku matagayo wax madow,” sidaa waxa yidhi Wasiirka Caafimaad Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Dr Felix Kabange Numbi.
Si loo xakameeyo isla markaana loo xaqiijiyo nooca cudur-sidaha (Virus) sababta xannuunka, waxa ay dawladda Congo guryahooda ku karantiimaysay isla markaana baadhis lagu wadan 80 qof oo la tuhunsan yahay inay xidhiidh la sameeyeen dadka cudurka u dhintay, sida uu wasiirku sheegay. Haseyeeshee saraakiil u hadashay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka iyo Ururka Dhakhaatiirta aan xuduudka lahayn, ayaa sheegay in aan wakhtigan lagu deg-degi karin nooca cudur-sidaha sababay geerida dadka, waxaanay khatartan caafimaad ku soo beegmaysa xilli ay waddamada Galbeedka Afrika la tacaalayaan cudurka Ebola oo ilaa immika ay u dhinteen dad tiradoodu kor u dhaafayso kun qof.
“Dad intooda badani waxay u dhinteen wax u eg astaamaha nooc xumadda ka mid ah, laakiin waxa sidoo kale jirta Kaneeco khatar ah oo sababi karta nooca astaamahan oo kale ama xumadda Tayfoodhka,” sidaa waxa wakaaladda Wararka ee AFP u sheegay sarkaal ka tirsan WHO oo ka hawl-gala magaalo madaxda DRC ee Kinshasa.
“Waxaanu wali ka dhur-sugaynaa baadhis caafimaad oo noo xaqiisa nooca uu yahay cudurku,” sidaas waxa tidhi Amandine Colin oo ka tirsan ururka dhakhaatiirta ee MSF oo shaqaalaheedu ka hawl-galaan gobolka Boende oo dadka cudurka u dhintay ku noolaayeen.
Wasiirka Caafimaadka ee dalka Congo, ayaa sheegay in qaybo ka mid ah cudur-sidaha sababay xannuunka loo qaaday Xarunta Baadhis caafimaad oo ku taala waddanka Gabon, isla markaana ay maalmaha soo socda ka war-sugayaan natiijada ka soo baxda.
Cudur-sidaha Ebola oo ka dillaacay Galbeedka Afrika, ayaa lagu sheegay inuu yahay kii ugu ballaadhnaa ee isaga gudba xuduudaha waddamada, waxaana u dhintay 1,350 qof oo ku kala noo waddamada Liberia, Guinea, Sierra Leone iyo Nigeria tan iyo bishii March ee sannadkan, sida lagu sheegay warbixin ay shaacisay WHO.
Cudurka Ebola waxa markii u horeysay sannadkii 1976-kii lagu arkay gobolka Equateur ee waddankii la odhan jiray Zaire oo haatan ah dalka Congo ee wakhtigan cudurka aan la aqoonsani ka dillaacay.
codkahargeysa.com
info@codkahargeysa.com