Hargeysa (CH)- Maayarka Caasimada Somaliland ee Hargeysa Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa maanta soo dhaweeyey Maayarka magaalada Djibouti ee dalka Jamhuuriyadda Md Xuseen Cabdilaahi oo socdaal ku yimi dalka.
Maayarka Djibouti oo ay weheliyaan maayar ku-xigeenkiisa, Ganacsato reer Jabuuti ah iyo koox Hiddaha iyo dhaqanka ah, ayaa socdaalkiisu la xidhiidhaa martiqaad uu u fidiyey maayarka Hargeysa oo dhowaan socdaal ku tagay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, waxaanay ka qayb-galayaan carwo ganacsi oo lagu qabanayo magaalada Hargeysa.
Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo dhiggiisa Djibouti wefti uu hoggaaminayo ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha, ayaa sheegay wada-shaqayni iyo xidhiidh dhinaca wax-qabadka ahi ka dhexeeyo Maayarka Djibouti.
Maayarka Hargeysa oo warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee madaarka Hargeysa, waxa uu yidhi, “Aad ayaan uga mahad celinayaa maayarka Djibouti iyo ku xigeenka sidii ay u ajiibeen inay ka qayb galaan carwadan, socodkani waa kii labaad, waxaana hore u jirtay inaanu anagu hore u booqanay magaalada Djabouti halkaas oo aanu is fahan ka gaadhnay sida ay labada magaalo u wada shaqayn lahaayeen, waxaanu socdaalkani ku beegan yahay carwada ganacsi ee la qaban doono oo ay ka soo qayb gali doonaan wadamada jaarka ah oo ay Djibouti ugu horaysay Yemeni ku xigto, waxaanan leeyahay waad ku mahadsan tihiin inaad soo ajiibteen codsigayagii.”
Dhinaca kale, maayarka Djibouti Xuseen Cabdilaahi oo isaguna ka hadlay booqashada ay ku yimaadeen magaalada Hargeysa, ayaa yidhi, “Waxaanu halkan ku nimid marti qaad aanu ka helnay maayarka caasimada Hargeysa, si aanu uga qayb galno xaflada bandhig carweedka lagu qabanayo Hargeysa, aniga iyo waftiga aan hogaaminayo oo iskugu jira koox hiddo iyo dhaqan ah iyo maal-qabeeno reer Djibouti ah, waxaanan aad ugu mahad celinaynaa xukuumada Somaliland, maayarka caasimada iyo shacabka waxaanan leeyahay dadkii idiinku dhawaa ee jaarka ah ayaanu nahay, Anaguna haddii aanu carwo qabanayno mudnaanta koowaad waxa yeelanaya dadka reer Somaliland taasina waa balan.”
Sidoo kale waxa iyaguna ka hadlay socdaalka ay magaalada Hargeysa ku yimaadeen qaar ka mid ah fanaaniinta iyo kooxda hiddaha iyo dhaqanka ee uu hogaamayey maayarka Djabouti kuwaas oo sheegay inay ku faraxsan yihiin inay soo gaadhaan magaalada Hargeysa.