Waxa nasiib daro ah in wasiirkii qaranku u igmaday daryeelka iyo horumarinta xoolaha isagoo og dhibaatada ay seerayaashu ku hayaan bulshada xoolo dhaqatada ah iyo xoolahoodaba dhinaca daaqsinta guud ahaan dalka Somaliland.
Halkii ay ahayd in wasiirku ka gilgiisho dhibaatadaas gacan buuxdana ugu siin lahaa Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga oo wakhtigan dadaal xooggan ugu jirta sidii ay wax uga qaban lahayd dhibaatada ay seerayaashu ku hayaan xoolaha ayuu Wassiirkii xooluhu bilaabay inuu yidhaa Qoolcaday iyo Aoori ayaan serayaal horleh ka samaynayaa.
Labadaas goobood oo ka mid ah dhul daaqsimeedka tirada yar ee ku hadhay gacanta bulshada xoolo dhaqatada ah ee gobolada Togdheer iyo Moroodi Jeex.
Islamarkaana mashruucan uu wasiirku ku magacaabay mashruucii qarniga ee uu seerayaasha uu kaga samaynayo labadaas meelood ee aan sare ku soo xusnay waa mid aan bulshada xoolo dhaqatada ah ee ku nool deegaanadaas laga talagalin markii hore si ay firkooda uga dhiibtaan.
Taasoo mashruuca wasiirka xoolaha ka dhigeysa mashruuc shandad lagusito (Briefcase Project) ama mashruuc nin kaliyihi wato (One man project). Waxanu mashruuca wasiirku u muuqdaa mid aan la hayn hadaf (project goals) Iyo ujeeddooyin (project objectives) iyo maxsuultoona (project Ootput). Islamarkaana ma cada cida ka faa;iidaysanaysa mashruuca (project beneficiaries ).
Dhanka kale mashruuca waxa laga maalgalinayaa Sanduuqa Somaliland development fund (S.D.F) oo ah deeq lacageed oo dawladeena caalamku ku taageeray kadib markuu kuqancay dadaalka ay xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne muj. Axmed Maxamed Maxamuud ugu jirto horumarinta dalka.Waxaase la yaable mashruuca noocaas ah in haddana wasiirka xooluhu ku tilmaamo mashruuc wadaag ah ( Public Private Partnership) oo dawlada iyo dad ama shirkado gaara ka dhexeeyo .
Taasoo mashruuca shaki galisay.Waxanu bulshada inteeda badan ugu muuqdaa in wasiirku mashruuca uu u wado cid gaar ah oo uu gacan saar la leeyahay ay ka faaiidaystaan. Kuwaas oo ah ganacsato uu ka mid yahay Cali Balaqbalaq oo ah dilaalka ganacsada Carbeed ee Aljaabiri, ninkaas oo ku caanbaxay in wasiirkasta oo soo mara wasaarada x.xoolaha tan iyo xiiigii UDUB jeebka ku rito si uu dantiisa uga fushado.
Waxaana cadeyn u ah markastoo wasiirku booqdo labadaas goobood Cali Balaqbalaq wuu garabtaagan yahay.Haddaba haddaan taasi jirin maxaa keenay mashruuca laga maalgalinayo sanduuqa S.D.F oo ah lacag dawladeena la siiyey wasaarada xooluna ay awoodo inay fuliso in haddana wasiirku ku tilmaamo mashruuciisa mid wadaag ah oo uu la wadaajiyo cid aan la arkeyn waxna ku darsan miisaaniyada mashruuca ( Budget of the project).
Sidaas darteed waxaa cad oo marag ma doona ah in wasiirka xooluhu yahay ninka khaladka leh kuna qasbaya bulshada xoolo dhaqatada ah ee ku nool deegaanada Qoolcaday iyo Aroori mashruuc aanay faa’iido ugu jirin lagana talagalin markii hore.
Haybe Ismail Banjoog