Hargeysa (CH) – Guddida dhismaha Jidka DAWGA-CAD ee waqooyiga Magaalada Hargeysa, ayaa ka mahad-celiyey deeq lacageed oo qurba-joogta reer Somaliland iyo muwaadiniinta gudaha ku nooli soo gaadhsiiyeen.
Shir jaraa’id oo ay xalay ku qabteen huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxay faahfaahiyeen deeqda lacageed ee la soo gaadhsiiyay iyo halka ay mareyso hawsha dhismaha Jidka Dawga-cad.
Guddoomiyaha Guddidaasi, Eng. Cabdiqaadir Xaashi Cilmi, oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa yidhi isaga oo sharaxaya lacagaha la soo gaadhsiiyey “Waxa dadkeenna Maraykanka naga soo gaadhay oo Akownka lagu soo shubay $ 5,510 doollar.
Xasan Cali Wayd, wuxuu na siiyey $ 200 doollar , Fadxiya Maxamed Guulleed oo Wajaale Deggan, waxay noo soo dirtay $ 500 doollar. Innamo degan dalka Sweden waxay lacag dhan $ 801 doollar, noogu soo dhiibeen Siciid Axmed Wayab. Dhammaantood aad iyo aad-bay u mahadsan yihiin..”
Sheekh Cabdiqaadir Xaaji Jaamac, oo isaguna ka mid ah guddida dhismaha jidka Dawga-cad, ayaa u duceeyay dadka lacagaha soo diray “Waa Sadaqo Jaariya, halkeedana way gaadheysaa ILAAHAY idamkii, annaguna waxaanu ka dayaceynaa ma jirto, wax aanu ku darno mooyaane, ILAAHAYNA halkaad ka soo saarteen ha idiinku bedalo wax ka badan oo ka khayr badan, ubadka iyo naftana ILAAHAY ha idiinku ilaaliyo, ha daalina oo ha is odhanina shalay-baad wax dirteen, intan hadba meel-baanu ku gufeynaa, hawshuna sidaas ayay u soconaysaa”
Dhanka kale, Guddida ayaa faahfaahiyey halka ay u mareyso hawsha lagu ballaadhinayo meelo ka mid ah jidkaasi iyo dayactir lagu sameynayo meelo jidkaasi ka mid ah.
Eng. Axmed Warsame Siciid, oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa yidhi “Hawsha ka socotay maalmahan dawga-cad waa hawl aad iyo aad u muhiim ah, waxaanu bilownay inaanu ballaadhino waddadii, oo aanu gooladihii ku yaraa baabuurta waaweyn aanu weynayno, imikana waddada balladhkeedu wuxuu noqday ilaa dhowr iyo toban Mitir. Waxaanu geynaynaa (Maanta ahaan) cagaf weyn oo ah (D 10), hawshuna way soconaysaa, meelihii biyo mareennada ahaana waanu baynay,meelihii roobku gooyeyna waxbaanu ka qabanaynaa”
Eng. Cali Cabdi Sarajoog, oo ah farsamo-yaqaanka gacanta ku haya dhismaha jidkaasi, ayaa isaguna sheegay in hawshu meel fiican u mareyso isla-markaana marka ay ka dhamaato hawsha ay ku ballaadhinayaan jidkaasi ay u diyaar-garoobayaan wejiga kale oo ah in caro tuulka la dhigo jidka intiisa ku dhaadhaceysa xeebta.
Xasan Cali Wayd, oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa dadweynaha reer Somaliland, ku guubaabiyey inay kaalin weyn ka qaataan dhismaha Jidka Dawga-cad “Ha loo soo jeedsado oo loo diyaar-garoobo in hawshaa Dawga-cad laga wada qayb-qaato, sidaas ayaan soo jeedinayaa, waxaanan guddida Dawga-cad ugu duceynayaa in ILAAHAY jinaa’igeeda siiyo. Aniguna Imaaraadka ayaan sii marayaa, halkaana dhalinyaro ayaa sheegtay inay hawsha ku jiraan, markaa waxaan isku dayi doonaa inaan wixii war-bixin ah iyo wixii guubaabo ahba aan sameeyo,” ayuu yidhi.