Dhahar (CH)- Xukuumadda Somaliland, ayaa Shaaca ka qaadday heerka Shakiga iyo walaaca ay ka qabto Shir Qaban-qaabadiisu ay socoto oo la sheegay in Bishan aynu ku jirno ee oogosto lagu qaban doono Deegaanka Xiin-galool oo 41 KM dhinaca Waqooyi ka xigta magaalada Badhan ee xarunta gobolka Badhan, kaasoo ay sheegtay inuu ujeeddooyin kala duwan xambaarsan yahay, isla markaana ay dabada ka wadaan Qurbo-joog gobolkaas u dhashay oo aragtiyo Siyaasadeed oo kale ay suuragal tahay inay aamminsan yihiin.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badaha Somaliland Cali Jaamac Faarax (Buureed) oo ka tirsan Masuuliyiinta Xukuumadda kaga jira Deegaankaas, wakhtiganna ku sugan degmada Dhahar ee gobolka Badhan, ayaa Waraysi Gaar ah oo uu Khadka Taleefanka kula yeeshay Xalay Weriye Cabdifataax I. Mursal oo ka tirsan Wargeyska Himilo, waxa uu ku sheegay inay shaki weyn ka qabaan Shirkaas qaban-qaabadiisu Xiin-galool ka socotaa inuu la mid noqon karo shirka lagu soo gebo-gabeeyey Deegaanka Saax-dheer ee gobolka Sool oo Kooxda Khaatumo la baxday ay Madaxweyne ugu doorteen Cali Khaliif Galaydh.
Hase-yeeshee, Wasiirka Kalluumaysigu waxa uu ku dooday inay dawladda Somaliland ka tashanayso tallaabada laga qaadayo, balse shakiga ay ka qabaan soo gudbintiisa iyo dhinaca furfurista Madaxda Dhaqanka ee Beelaha Warsangeli mooyee tallaabo kale oo ay illaa hadda qaadeen oo shirkaas lagaga hortegayaa aanay jirin. Balse, aanay Somaliland aqbali doonin in faro-gelin siyaasadeed lagu sameeyo gudaha dalkeeda, kana hortegayso wax kasta oo Qarannimada iyo dawladnimada Somaliland wiiqi kara ama dhaawaci kara.
Wasiirka Kalluumaysiga oo la weydiiyey ujeeddada socdaalka uu muddo bil ku siman ku joogo deegaannada Bariga gobolka Sanaag waxa uu ku jawaabay; “Waxaan hadda Hargeysa ka soo maqanahay middo bilk u siman, waxaan maray deegaanno tiro badan oo gobolka Badhan ah ama Bariga gobolka Sanaag, waxaan u joogayna waxa weeye wax ka ogaanshaha xaaladda daka aannu metelno ee deegaanka iyo in beelo hore colaade u dhex-mareen inaannu hawshooda dhammayno oo nabadayntooda ka shaqayno oo isu soo dhawayno oo Madax-dhaqameedka ku taageerno is-fahansiinta cidda wax kala tirsanaysa iyo fulinta Siyaasadda Xukuumadda Somaliland ee aan ka tirsanahay ee ku waajahan deegaannadan.”
Wasiir Cali Jaamac Faarax oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey waxa uu kala socdo ujeeddada Shir walaac laga muujiyey oo qaban-qaabadiisu ka socoto degmada Xiin-galool ee gobolka Badhan, waxa uu yidhil; “Shirkaas ujeeddadiisa wax fiican kama fahansanin, waa Shir ujeeddooyin badan oo ay wadaan Rag qurbo-joog ah oo deegaanka u dhashay, Shakina waan ka muujinnay oo dawladda Somaliland waan soo gaadhsiinnay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka-ba, waanan ka hawlgalnay oo Madaxda dhaqanka ee deegaannada kala duwan ee Bariga Sanaag ee gobolka Badhan oo dhan waan kala hadalnay, waxay noo sheegeen inaanay ujeeddada rasmiga ah iyo ajandaha shirkaas aan si fiican u fahansanayn, isla markaana aanay ka qaybgeli doonin, dee waxa laga yeelayaana dawladda ayay u taallaa.”
Mar Wasiir Buureed aannu sii weydiinnay inuu ka mid yahay Masuuliyiinta deegaannada gobolka Badhan ee Xukuumadda Somaliland ka tirsan, isla markaana ay masuuliyadi si gaar ah uga saaran tahay wixii dhib keenaya ee deegaankiisa ka socda wax-ka-qabashadooda, markaa tallaabada ay illaa hadda qaadeen iyo tallaabada u qorshaysan inay ku baajiyaan shirkaas, waxa uu yidhi; “Waa run ka mid baan ahay Masuuliyiinta deegaanka u dhashay ee dawladda ka tirsan, laakiin dawladda Somaliland Siyaasad cad bay leedahay, siyaasaddaas qof ma go’aansan karo, kooxina ma go’aansan karto, laakiin kol haddii aannu shakiga aannu ka qabno Shirkaas aannu gaadhsiinnay Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka, go’aanka laga qaadanayo Hargeysa ayuu idinla yaallaa oo aannu ka sugaynaa.”
Sidoo kale, Su’aal ahayd waxa la sheegayaa in Shirkaasi Xiin-galool abaabulkiisu ka socdaa la mid yahay Shirkii deegaanka Saax-dheer ee gobolka Sool ee Kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh Madaxweynaha ugu doorteen oo la sheegayo in kanna wax loogu yeedhay Maakhir State lagaga tashanayo iyo waxa ka jira waxa uu ku jawaabay; “Illaahay baa og taas! Laakiin, waa wax dhici kara! Balse, halkan in Maamul Somaliland lid ku ah ama ka soo horjeeda in lagaga dhawaaqo ama lagu dhiso wax suuragali kara maaha.”
Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badaha Somaliland Cali Jaamac Faarax (Buureed) iyo Masuuliyiin kale oo Xukuumadda ka tirsan kana soo jeeda Bariga Sanaag, ayaa wararka qaar sheegeen inay shirkaas si fiican ula socdaan ajandihiisa, isla markaana ay wax ka og yihiin, si dadbanna u taageerayaan. Hase-yeeshee, Warkaas oo aannu Su’aal ka weydiinnay waxa ka jira iyo siday ugu lug leeyihiin isaga iyo Xubno kale, waxa uu Wasiirka Kalluumaysiga kaga jawaabay inaan waxba ka jirin.
Waxaanu intaas ku ladhay Wasiirka Kalluumaysigu oo uu yidhi; “Taasi wax suurageli kara maaha, haddaan anigu Maamul kale oo aan Somaliland ahayn wax ka dhisayo, horta Xukuumadda Somaliland baan ka bixi lahaa, waanan maqlayey Wararkaas iyo Warar kale oo ah Wasiirka Kalluumaysigu wuu baxsanayaa iyo Somaliland wuu ka tegayaa ah oo Saxaafadda qaarkeed iga qortay, laakiin wax wax ka jiraan maaha, wax dhici karana maaha ee waa been-abuur.”
“Anigu muddada bisha ah ee aan ka soo maqanahay Hargeysa ma joogo deegaannadii Xeebihii gobolka iyo meel Bad ah midna, iyadoo aad ogtahay inaan ahay Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badaha Somaliland, Shaqadayduna tahay inaan ka shaqeeyo Kalluunka iyo Badaha iyo horumarintooda iyo dhawristooda, waxaan dhulkan ka baxsan Bad iyo Xeeb-ba u joogaa waa danta Qaranka Somaliland iyo Fulinta Siyaasadda Xukuumadda aan ka tirsanahay ee Axmed-Siilaanyo Madaxweynaha ka yahay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Cali Jaamac Faarax.
Waxaanu isagoo jawaabta su’aashaas uu ka bixiyey sii wada intaas ku daray oo uu yidhi; “Intaa aan ka soo maqanahay Hargeysa waxaan ka shaqaynayaa waxa weeye sidii dadka la isugu soo dhawayn lahaa, sidii deegaannadan dhammaantood nabadgelyo buuxdaa uga jiri lahayd ee nabadda loo xoojin lahaa, isla markaana ay deegaannada Beelaha Warsangeli degaan oo dhan oo aan anigu caawa (xalay) kaala hadlayo degmadii ugu shishaysay ee Xadka ugu xidgtay ee Dhahar ay uga wada shaqayn lahayd Siyaasadda dawladda Somaliland iyo sidii dadka deegaanka iyo dawladda oo iskaashanayaa uga hortegi lahaayeen wax kasta oo wax u dhimi kara ama dhaawici kara Midnimada, Qarannimada iyo dawladnimada Somaliland.”
“Halkan Shaqadii Wasaaraddaydu inta badan deegaannadii ay ku wajahanayd ma joogo, dalxiis-na kuma joogo, laakiin waxaan u joogaa waa inaannu bulshada fahansiinno sidii aannu si midaysan uga wada hortegi lahayn wax kasta oo dawladnimada Somaliland iyo Siyaasaddeeda iyo nabadgelyadeeda ka hor iman karta. Degmada Xiin-galool ee Qaban-qaabashada Shirkani ka socdo waan soo maray, waxaan la kulmay Odayaasha Dhaqanka iyo Wax-garadka Deegaankaas, waxaan kala hadlay shirkaas, waxaanay ii sheegeen inaan iyaga wax dhibaato ah loogu sheegin shirkaas, ee ay Niman Qurbo-joogga deegaanka ka tirsani ula yimaaddeen oo ay u sheegeen inay Beelaha Warsangeli isugu keenayaan sidii ay danohooda iyo midnimadooda uga wada-tashan lahaayeen, sidaa darteedna waxay igu yidhaahdeen; Waannu diidi kari waynay markay yidhaahdeen gogosha ayaa la idiinka baahan yahay, dhibaatana ma wadno, annaguna waannu aqbalnay bay yidhaahdeen.’ Laakiin, waxay ii sheegeen oo aannu isku ognahay inaanay aqbali doonin haddii wax dhibaato ay u arkaan shirkaas la keeno ama wax Somaliland iyo daneheeda ka soo horjeeda, sidaas ayaanannu isku ognahay,” ayuu yidhi Wasiirka Kalluumaysigu.
Mar uu ka jawaabayey Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland su’aal aannu ka weydiinnay inay jiraan Xubnaha Qurbo-joogga ah ee Shirkaas wada waxay beel ahaan u soo ogeysiiyeen iyo waxay Masuuliyiin dawlad ahaan u soo ogeysiiyeen oo shirkaas ku saabsani inuu jiro iyo waxa ka jira inay Siyaasado dibedeed oo dhinaca Soomaaliya iyo Puntland ka imanaya fulinayaan iyo in kale waxa uu yidhi; “Maya waxay Masuuliyiin ahaan naga soo ogeysiiyeen oo aniga isoo gaadhay ma jiraan, waa niman Qurbo-joog ah, nimanka Qurbo-joogga ahna waxay iyagu dadka Dhaqanka qaarkood u sheegeen in shirkaasi yahay shir ay beeshu ku wada-tashanayso, Shir beeleed-na cidda abaabushaa waa Salaaddiinta, Cuqaasha iyo Madaxda Dhaqanka.”
Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland Cali Jaamac Faarax (Buureed) oo jawaabta Su’aashaas sii wataa waxa uu yidhi; “Laakiin, Shir Ninam Qurbo-joog ahi wadaan ujeeddooyin badan buu yeelan karaa, ujeeddooyinkaa baajintooda iyo ka hor-taggooduna waa kuwa aannu halkan u joogno. Waxaanan caddaynayaa ama Qurbo-joog ha noqdo ama mid meel kale laga soo diray ha noqdo ee halkan Siyaasadda Somaliland waxaan ahayn oo ka shaqayn karaa ma jiro, cid kasta oo isku dayda inay wax Siyaasadda Somaliland iyo Danta Qaranka ka hor-imanaya halkan ka fuliyaan uma suurageli doonto, dadka deegaankuna ma aqbali doonaan Insha Allaah. Somaliland-na ma aqbali doonto ama Puntland haka timaaddo ama Soomaaliya amaba meel kale faro-gelin Siyaasadeed in dalkeeda iyo dadkeeda lagu sameeyo.”
Xigasho: Himilo