Hargeysa (CH)- Ciidamada Booliska magaalada Hargeysa ayaa xabsiga dhigay Xildhibaan Jaamac Riyo oo ah mudane ka tirsan Golaha Guurtida isla markaana ah Abwaan suugaantiisa ku dhaliilaha shakhsiyadda Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddiisa.
Mudane Abwaan Jaamac Riyo oo mucaaraddadiisu jiifka iyo joogga u diidday xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, ayaa la sheegay in xadhiggiisu ku yimi ka dib markii uu Saaka Hotel Imperial ee magaalada Hargeysa kula dagaalamay Xildhibaan Nac-nac oo ka tirsan Golaha Wakiillada, isku beelna ay ka soo wada-jeedaan, balse ay ku kala duwan yihiin siyaasadda Mucaaraddada iyo Muxaafadnimada.
Goob-joogayaal ku sugnaa goobta labada xildhibaan isku-fara saareen, ayaa Waaheen u sheegay in Xildhibaan Jaamac Riyo uu moobilkiisa wejiga kaga dhuftay Xildhibaan Nacnac kadib markii ay isku af-dhaafeen muranka ka taagan Balayga Diiriye Guuleed ee Woqooyiga magaalada Burco oo muran dhinaca dhulka ahi ka dhex-aloosan yahay Beesha ay labada xildhibaan ka soo jeedaan iyo beesha madaxweyne Siilaanyo.
Xildhibaan Jaamac Riyo ayaa ka soo jeeda Beesha Cabdalla Arab ee ay beesha kale ee Reer Biniin (Habar-Jeclo) ku muransan yihiin deegaamaynta Balliga Diiriye Guuleed, waxaanu ku qabsaday Xildhibaan Nac-Nnac oo ka mid ahaa Wefti xukuumadda u dirtay dejinta shaqadaas sababta geysay deegaankiisa.
Labada Xildhibaan oo hadalku ka tag taagmay ayaa sababtay in Xildhibaan Jaamac Riyo ka cadhoodo jawaabtii Nacnac kaga timi waxaanu wajiga akaga dhuftaya Mobilkii uu gacanta ku hayey.
Xildhibaan Nacnac ayaa Booliiska ka dalbaday in loo xidho Xildhibaan Jaamac Riyo, waxaana markiiba loo dhaadhiciyey saldhiga, halkaas oo uu ku xidhan yahay.
Xildhibaan Nacnac iyo Taliyaha Booliska Cabdilaahi Fadal oo haybta gud ay Xildhibaan Jamaac Riyo wadaagaan, ayaa magaaladda Burco dhawaan u tagay sidii ay Heshiis uga dhex dhalin lahaayeen labada Beelood eek u muransan deegaamaynta Balliga Diiriye Nuur, hase yeeshee waxay Habeen hore ka soo noqdeen kadib markii ay Beesha Cabdalla Arab diidey Ergaynimadooda, iyagoo ku eedeeyey inay Xukuumaddu soo diratay.
Xildhibaan Jaamac Riyo ayaa Xukuumadda talada haysa ku ah Mucaarad, waxaanu dhawr jeer ka hadlay colaada ka taagan Balayga Diiriye Guuleed oo ku yaala Waqooyiga Burco halkaas oo uu ka soo jeedo, waxaanu ku doodaa in Beeshiisa laga gar-daran yahay, isagoo sababta uu ula dagaalamay Nacnac u arka mid la mid ah ta ay Reerkoodu ku soo diideen oo ah inay Xukuumaddu u diratay dajinta Collaada beeshooda iyo Beeshiisa kale u dhaxaysa, taasoo uu u arko inay u xaglinayaan fadal iyo Nacnac dhinaca Beesha kale.
Waa markii ugu horaysay ee la xidho Xildhibaan la dagaalamay Xildhibaan kale, iyadoo laga war-qabo in dhawaan laba Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiiladdu dagaalameen balse aan midkoodna la xidhin.
Xildhibaan Jaamaca Riyo oo mucaaradnimadiisu fallaadh ku noqotay xukuumadda, ayaa inta badan Mihnadiisa Abwaanimo u adeegsada dhaliilaha uu xukuumadda u jeediyo, isaga oo dhawr Heesood u tiriyey madaxweyne Siilaanyo.
Hore ayuu Xildhibaan nacnac Erayo af-lagaado ah ugu yidhi Xildhibaan Jaamac Riyo markii uu tiriyey Heestiisii ugu danbaysay, waxaana muuqata Xildhibaan Jaamac Riyo in uu kula dhacay Oday Nacnac Cadhooyinkaas Ururay ee uu u hayey.
Xildhibaanka ayaa wakhtigii uu Siilaanyo mucaaradka ahaa ee xukuumaddii UDUB dalka Haysatay, waxa uu Hees caan noqotay u tiriyey Madaxweynihii hore Daahir Rayaale, taas oo midhaheeda ay ka mid ahaayeen, ‘Ka soo Dhaadhaac, Dillaal noo Dhuuntoow ka soo dhaadhac’.