Berbera (CH)- Guddiga Siyaasadda Miisaaniyadda Qaranka oo ka kooban Wasiirro xukuumadda ka tirsan oo uu weheliyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Md Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa maanta kormeer ay ugu kuur-galayaan heerka dakhli-ururinta iyo wax-soo-saarka ku maray ilaha dhaqaale ee gobolka Saaxil, gaar ahaan magaalada Berbera.
Guddiga Miisaaniyadda heer Qaran iyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxa ay korkeer ku mareen Maxjarrada xoolaha lagu xannaaneeyo, Haamaha Keydka Shidaalka iyo Dekedda magaalada Berbera, waxaanay kulamo la yeesheen masuuliyiinta goobahaa ay kormeerka ku mareen oo warbixinno ku saabsan shaqaada ay qaranka u hayaan ay ka dhegaysteen.
Guddigu sidoo kale waxa ay kulamo la qaateen ganacsatada gobolka Saaxil, gaar ahaan Berbera oo ay ka wada-hadleen sidii kor-u-qaadis loogu samayn lahaa Dekedda magaalada Berbera
HALKAN KA DAAWO.